Home » News » Kooxda Alshabaab oo iskaga baxday Deegaanka Kureedka ee Degmada Luuq.

Feb 06, 2012: Al Shabaab ayaa waxay si sax ah ay uga baxday Deegaanka Kureedka ee duleedka Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, markii ay ku soo dhawaadeen Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya, oo uu dagaalo xoogan kala dhaxeeyo.

Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya ee ku sugan Degmada Luuq, ayaa waxay ka caroodeen in Xoogaga Shabaab ay la-wareegto Deegaanka Kureedka, oo qiyaastii 11km u jira Degmada Luuq oo ay ku sugan yihiin.

Taasi ayaa waxay dhalisay inay ku soo dhaqaaqeen dhinaca Deegaanka Kureedka, isla-markaana Xoogaga Shabaab ayaa iskaga baxay, markii ay maqleen in Ciidamadda Dowladda Itoobiya ay ku soo dhaw yihiin.

Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa u suurta gashay inay dib ula wareegaan Deegaanka Kureed, oo ay markii horeba ku lahaayeen daafacyo balaaran, oo ay ku suggi jireyn amniga Degmada Luuq, bacdamaa Deegaanka Kureedka laga soo gallo Degmada Luuq.

Majirto wax war ah oo ka soo kala baxay Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab, oo ku aadan in dib Xoogaga Shabaab loogala wareego Deegaanka Kureedka, oo ay Sabtidii ka faro maroojiyeen Ciidamadda Dowladda.

 

 

Inta jeer ee la aqristay :209

No comments yet... Be the first to leave a reply!