Home » Social Media » Sir Gaar u ah Dumarka: “Shan Qodob oo cadeeyn u ah in Xaajigaada uu ka fakarayo Saxibtiisii hore”

Feb 06, 2012: Waxaa laga yaabaa in ninka uu saaxib iskala sii ahaado gacalisadiisii hore xitaa hadii dhibaatooyin ay ka dhex dhaceen ka hor kala go`idoodii .

Balse waxaad ogataa in arin adag tahay in qofka uu saaxib la noqdo qofkii uu horay u jeclaa illaa in uu weli jecel yahay mooyee,hadaba hadaad qodobadaan ku aragto iska fiiri gabaryaheey xaaladiisa.

Weli waa uu caawiyaa: in ninku uu sii caawiyo gacalisadiisii hore waa arin aan wanaagsaneyn gaar ahaan hadii gacalisadiisa haatan ee ogaatay in uu labadooda xariir uu soo dhex maray .

Gabaryaheey xitaa hadii uu kuugu dhaarto in kaliya uu iska caawinayo ahaaw mid foojigan .

Mar waliba waa uu la xariiraa :Ragga qaarkii ayaa ahada kuwo weli la sii xariira gacalisadoodii hore , waxaad arkeysaa sawiradeeda oo uu gashanayo goobaha lagu sheekeysto ee netka ama sms-yo uga diraya telka , ogaaw taasi waa mushkilad weyn .

Balse inta aadan duraba maseerin go`aan qaadan la fariiso una sheeg waxa aad dareemeyso ,hadii uu weli ka fekarayo gabadhaas waxaa laga yaaba in uu ka codsado in uu iskiin baro oo waxa uu isku dayayaa in uu labadiina uu idinka yeelo dad isu dhaw halka dantiisuna tahay in uu arko iyada .

In badan ayuu la hadlaa: marka uu ninku la hadlayo gacalisadiisii hore ogaaw waxa uu soo xasuunayaa maalmihi macaanaa ay wada soo mareen , waxaadna ogataa in hadalka badan ee ninka ee uu la sameynayo saaxibadiisii hore waxa ay taasi la micno tahay in uu u haarayo waxii hore haatanna uusan diyaar u aheyn xariir cusub.

Xafladaha waa ay ku casuuntaa: waxaa gabaryaheey kula gudboon in aad ogaato in adigu tahay qofka kaliya ee xabiibkeeda u kaxeyn karta xafladaha balse hadii aad aragto in gacalisadii hore u yeereyso wax ay dooneysa in ay dib u soo ceshato ka hor inta aysan u yeerinna waxaa jiray in isaga u weli jecel yahay.

Aad ayuu u necbeeysanayaa in uu ogaado in xariir kale ay sameeysay:tani waa tilmaanta ugu weyn ee muujineysa in weli uu jecel yahay .

Inta jeer ee la aqristay :669

No comments yet... Be the first to leave a reply!