Feb 06, 2012: Waxaa Magaalada Djabuuti lagu soo gaba gabeeyay Shirkii 21-aad ee kooxda ICG kaasi oo loogu hadlaayay xaalada dalka Soomaaliya, iyadoona ay ka qeyb galeen Madaxda Dowlada KMG, Maamulka Galmudug, Puntland iyo Ahlu Sunna.
Shirkaan oo daqiiqado ka hor lasoo gaba gabeeyay ayaa ka hor inta uusan soo xirmin waxaa halkaasi khudbad dheer (Closing Statement)ka jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali.
Shirka ICG oo shalay iyo maanta ka socday Djibouti ayaa waxaa looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, gaar ahaan sidii loo sii wadi lahaa howlgaladda looga soo horjeedo kooxaha Al-Shabaab, Waxaa kaloo laga hadlay sidii shacabka Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa nolol gaar ahaan degmooyinka iyo gobollada laga xorreeyo Al-Shabaab.

Kulanka Kooxda Xiriirka Caalamiga ee kusoo idlaaday Jabuuti ayaa sidoo kale looga hadlay Shirka London ee 23-February.
Shirka London ayaa laga muujiyay in ay kasoo baxaan qodobo muhiim u ah qeybaha soomaalida, kaasi oo maslaxad u noqon kara Soomaaliya qeybaheeda kala gedisanay, iyadoona la sheegay in shirkaasi loogu hadlayo sidii xal waara looga gaari lahaa arrimaha amniga iyo soo celinta kala danbeynta dowladnimo.
Ugu danbeyntii waxaa la isla gartay in xilliga kala guurka ah la soo afjaro 21 August 2012, isla markaana la dar-dar geliyo dhameystirka Dastuurka iyo dib u habeynta baarlamaanka oo la isku raacay in baarlamaanka cusub uu noqdo mid tayo leh oo ay jiraan shuruurda sida waxbarasho, in shaqsiga uusan danbi hore u galin ama uusan soo noqon warlord, isla markaana sumcad ku dhex leh bulshada dhexdeeda.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa ka codsaday beesha caalamka inay mowqif mideysan yeeshaan oo shirka london lagu xoojiyo sidii ciidamda Soomaalida iyo hay’adaha amniga dib loogu dhisi lahaa iyo in roadmap ka iyo Garowe Principles ay noqdaan saldhigga dooda iyo waxqabadka.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya.
Abdirahman Omar Osman.
Inta jeer ee la aqristay :108


No comments yet... Be the first to leave a reply!