Feb 06, 2012: Saraakiil ka tirsan Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay ku baxeyn gacanta Xarakada Al Shabaab, iyadoo Xarakada Al Shabaab ay mar walba mashquul ku tahay sidii ay wax-yeelo ugu geysan laheyd Saraakiisha Dowladda.
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay sheegtay inay dishay Taliyaha 1-aad ee Ciidamadda Dowladda Dowladda ee Degmada Luuq Gubane C/Laahi Shoodag, Ku Xigeenka Caafimaadka ee Dowladda Somaliya ee Degmada Luuq C/Laahi Maxamed kheyr Aadan iyo Sandheere C/Raxmaan Qoormagiig, isla-markaana waxay sheegtay in uu dhaawac soo gaaray Taliyaha Guud ee Ciidamadda Dowladda ee Degmooyinka Doolow iyo Luuq Maxamed Nuur Sheegow.
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay sheegtay in Saraakiishaan ay ku dishay dagaalo qaraar oo hal habeen kahor ay ku qaadeen Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, oo ay gacanta ku heyso Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.
Bayaan ay soo saartay Xarakada Al Shabaab ayaa waxay ku sheegtay inay ku dishay, kuna dhaawacday Taliyaha 1-aad ee Ciidamadda Dowladda Dowladda ee Degmada Luuq Gubane C/Laahi Shoodag, Ku Xigeenka Caafimaadka ee Dowladda Somaliya ee Degmada Luuq C/Laahi Maxamed kheyr Aadan iyo Sandheere C/Raxmaan Qoormagiig, isla-markaana waxay sheegtay in uu dhaawac soo gaaray Taliyaha Guud ee Ciidamadda Dowladda ee Degmooyinka Doolow iyo Luuq Maxamed Nuur Sheegow.
Guushaan ay sheeganeyso Xarakada Al Shabaab ayaysan weli wax war ah ka soo saarin Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, balse saacadaha soo socda ayaa waxaa dhici kareysa inay ka hadashay.
Inta jeer ee la aqristay :194
No comments yet... Be the first to leave a reply!