Home » News » Kooxo hubeysan oo xalay dhagta dhiiga u daray Mas’uul ka tirsanaa Maamulka Puntland

Feb 06, 2o12: Kooxo aan la garaneyn ayaa Xalay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku qaarajiyay Mas’uul ka tirsanaa Maamulka Puntland.

Masuulka la dilay oo ahaa Gudoomiyihii Xaafadda Israac ee Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntlnad marxuum C/raxmaan Maxamed Cabdulle ayaa waxaa la sheegay in kooxaha ay dileen xili uu kasoo baxay Masjid ku yaalla magaalada uuna kusii jeeday hoygiisa.

Xubin sare oo u hadlay ciidamada Maamulka Puntland ayaa waxa uu sheegay in ay soconayaan baaritaano ku aadan dilka Mas’uulkaasi, waxaana uu ugu baaqay shacabka in ay ka gacan siiyaan sugida amaanka magaalada si looga hortago kooxaha dilalka qorsheysan gaysanaya.

Mudane Axmed Cismaan Gataax oo ahaa Gudoomiyihii hore ee Xaafadda Israac aya sidan oo kale loogu dilay isla magaalada gudaheeda sanadkii tagay ee 2011kii.

Hadaba dilalkan qorsheysan ee loo geysanayo masuuliyiinta iyo shacabka ku nool mudug ayaan ilaa iyo hada wax horu mar ah laga sameyn walina looma qaban shaqsiyaad dilalkaasi qorsheysan.

Inta jeer ee la aqristay :85

No comments yet... Be the first to leave a reply!