Feb 06, 2o12: Dowladda Kenya ayaa waxay shaaca ka qaaday in laga dillay laba taliye oo ka tirsanaa Taliska Dowladda Kenya ee gudaha u soo gallay dalka Soomaaliya, kuwaa oo ay sheegtay in todobaadkii looga dillay gudaha dalka Somaliya.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaanshaandhiga ee Dowladda Kenya oo lagu magacaabo Korneel Cyrus Oguna, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Xoogaga Shabaab ay gudaha Soomaaliya kaga dishay laba taliye, oo uu sheegay inay xagoodu qaali ka ahaayeen.
Korneel Cryus Oguna muusan sheegin magacyada sargaalada loogu dilay Koonfurta Soomaliya iyo deegaanada ay kasoo jeedan, hase ahaatee waxa uu carabka ku dhuftay in Kenya aysan u dhuntin doonin 2-daas sargaal ee laga qaarijiyay.
” Hosingoow ayaa ugu horeeysay meelaha aan Al-Shabaab kala wareegnay, Badhaadhe ayaa kamid ah degmooyinka sida nadiifka ah kula wareegnay, Jaziirada Kudhaa waxan idin xaqiijinaa inaan anaga hadda joogno” ayuu yiri Korneel Cryus Oguna.
Cyrus Oguna ayaawuxuu sheegay khasaaraha walba oo dagaalada ka soo gaaray in Dowladda Kenya ay diyaar u tahay sida uu yiri, sidii dalka Soomaaliya looga sifeyn lahaa Xoogaga Shabaab, oo uu kala dhaxeeyo dagaalo xoogan.
Inta jeer ee la aqristay :174
No comments yet... Be the first to leave a reply!