Home » Articles, News » Dhalashada Nabigeena Muxamad NNKH oo lagu qabtay Gothenburg.

Feb 06, 2o12: Xaflad si weyn loo soo agaasimay isla markaana lagu maamuusayey Xuska nabigeena Muxamed NNKH ayaa xalay lagu qabtay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden iyada oo ixtifaalka dhalashada nabigeena ay ka soo qeybgaleen culumaa’udiin waa weyn oo isaga kala yimid qaarada yurub iyo gobalada dalkan swedan.

Xafladan ayaa waxaa soo abaabulay culumaa’udiinka Ahlusunna waljamaaca ee Sweden xafiiskooda Gothenburg, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay muxaadarooyin diini ah oo la xiriiray taariikhdii iyo siiradii nabigeena Muxamad NNKH, iyada oo muxaadarooyinkana ay dhex taal u ahaayeen digri salaan ay soo bandhigayeen qaar ka mid ah jameecada ahlusunna waljamaaca ee Sweden.

Culumaa’udiinka muxaadarooyinka jeedinayey waxaa ka mid ahaa shiikh Muuse Cadde, Sh, Muxudiin, iyo Shiikh C/raxmaan Sh. Muxudiin, iyada oo gunaaanadkiina uu xaflada soo gunaanaday Macalin Saciid oo isaga iyo jameecadiisa ka yimid Magaalada Stockholm, waxa uuna halkaasi uga duceeyey umada Soomaaliyeed.

Ixtifaalka Nabigeena Muxamed NNKH ayaa xalay waxaa loogu duceeyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale lagu habaaray kooxda Alshabaab, waxaana goobta xaflada lagu soo bandhigay su’aalo muhiim ah oo dadku ay soo weydiisanayeen culumaa’udiinka, kuwaas oo jawaabo muhiim ah laga bixiyey.

Guud ahaan xafladii lagu maamuusayey dhalashada nabigeena Muxamad NNKH ayaa waxa ay ku soo gabagabowday jawi aad u wanaagsan, waxaana si gaar ah halkaasi loogu mahadceliyey dhamaan intii ak qeybqaadatay oo xoog iyo hantiba ku bixiyey qabsoomida xafladaasi.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO VIDEO IYO SAWIRO FARA BADAN:











Abdirahman Hudeyfi

Inta jeer ee la aqristay :481

No comments yet... Be the first to leave a reply!