Feb 06, 2o12: Dowladda Soomaaliya ayaa waxay fursad balaaran ay maanta u heshay inay gacanteeda soo gasho Xaruunta Bacadlihii hore ee Magaaladda Muqdisho, oo muddo dhan 21 sano ay iska heysteen kooxo mooryaan ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay si’aan dhiig ku daadan ay kula wareegtay Dhismaha Bacadlihii hore ee Degmada Xamar Weyne ee Magaaladda Muqdisho, iyadoo dhinaca kalana wada-hadalo la-gasho rag gaar ah oo heystay.
Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo ku hubeysan qeybaha kala duwan ee hubka, ayaa waxay maanta jooggaan Dhismaha Bacadlihii hore ee Magaaladda Muqdisho, ka gadaal markii uu booqasho uu ku yimid Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu goor dhaw uu Warbaahinta uu kula hadlay Dhismaha Bacadlihii hore, oo ku yaalla meel kaabiga ku heysa Boosteejadii hore ee Ceel-gaabta.
Madaxweynaha ayaa wuxuu si kal iyo laab leh uu u soo dhaweeyay in gacanta Dowladda Soomaaliya ay soo gasho Dhismaha Bacadlihii hore, isagoo sheegay inay jiraan Dowladdo diyaar u ah inay dhisaan sida uu yiri Xaruumaha Dowladda.
Inta jeer ee la aqristay :187
No comments yet... Be the first to leave a reply!