Home » News » Dowladda Kenya oo curyaami weeraro lixaad leh oo ay qaadi lahaayeen Xoogaga Shabaab

Feb 06, 2o12: Dowladda Kenya ayaa waxay kahor tagtay weeraro xoogan oo ay ku soo qaadi lahaayeen Xoogaga Shabaab, oo xilligaan doonaaya sidii ay dib u soo ceshan lahaayeen goobihii dagaalada looga qabsaday.

Dowladda Kenya ayaa waxay duqeymo xoogan ay ku curyaamisay hawl-gallo balaaran oo ay qaadi lahaayeen Xoogaag Shabaab, oo horaantii bishaan lagala wareegay gacan ku heynta Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose.

Afhayeenka Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Kenya Major Emmanuel Chirchir oo wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda Wararka ee Xinhua ee Shiinaha, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay go’doomiyeen Xoogaga Shabaab.

Afhayeenka ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in Xoogaga Shabaab ay si weyn uga xumaadeen in lagala wareego gacan ku heynta Degmada Badhaadhe, isla-markaana wuxuu tilmaamay inay doonayeen inay soo qaadaan weeraro xoogan.

Hase yeeshee weeraradaasi ayaa wuxuu tilmaamay inay ku baajiyeen duqeymo xoogan oo dhinaca cirka ah markii ay ku garaaceen, isagoo intaasi ku daray in duqeymahaasi ay ka soo gaareyn khasaarooyin kala duwan.

Afhayeenka Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Kenya Major Emmanuel Chirchir, ayaa wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan duqeymaha xoogan ee ay la-beegsanayaan Xoogaga Al Shabaab, oo uu sheegay inay yihiin kuwo abuuraaa dhibaatooyin xoogan, balse wuxuu sheegay inay kahor taggi doonaan.

Inta jeer ee la aqristay :119

No comments yet... Be the first to leave a reply!