Feb 05, 2o12: Xarakada Al Shabaab ayaa waxay xalay weeraro balaaran ay ku qaaday Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ee ku sugan Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, waxayna dagaaladaasi ahaayeen kuwo qorsheysan.
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay xalay dagaalo qorsheysan ay kus oo qaaday Bar Kontorool oo laga soo gallo Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, isla-markaana dagaalada ayaa waxay ahaayeen kuwo kooban oo aad u kululaa.
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay weeraradaan ay khasaaro ugu geysatay Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalana ay Xoogaga Shabaab gantaalaha garbaha laga gano ay ku garaaceen goobo kale oo ay lahaayeen Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.
Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo kaashanaaya Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya, ayaa waxay qorsheynayaan inay duullaano balaaran ku qaadaan Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ee ku kala sugan Gobolada Gedo, Baay iyo Bakool.
Balse Xoogaga Shabaaab ayaa waxay qorsheynayaan kahor inta aysan soo weerarin Ciidamadda Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, inay kala hormaraan weeraro iska caabin ah, iyagoo markaasi ku celinaaya hujuumka xoogan ee ku soo wajahan.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in goor dhaw ay si buuxda leh ula wareegi doonto gacan ku heynta goobo badan oo ku yaalla Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, oo ay xilligaan ka arrimiso Xarakada Al Shabaab.
Inta jeer ee la aqristay :136
No comments yet... Be the first to leave a reply!