Home » News » Madaxweynaha Soomaaliya oo mid lagama maarmaan ah ku tilmaamay Suugaanta Somalida + Daawo Sawirada

Feb 05, 2012: Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu maanta uu si weyn uu u ammaanay Suugaanta Soomaalida, oo uu sheegay inay tahay mid lagama maarmaan ah, qeyb balaarana ka qaadan kareysa sida uu yiri nabadda dalka Somaliya.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo maanta ka qeyb gallay munaasabad lagu weyneynaayay Suugaanta Soomaalida oo lagu qabtay Xaruunta Iskuul Polizio ee Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu sheegay in Suugaanta ay tahay mid dhaxal gal ah.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu tilmaamay in Suugaanta Soomaalida ay tahay mid wanaagsan, oo weligeed horseed u ahaan jirtay guubaabada dagaalada, xureynta dalka iyo sidii lagu jabin lahaa cadowga dalka.

Wuxuu xusay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato sidii dib loogu soo noolleyn lahaa Suugaanta Soomaalida, wuxuuna hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed uu ku boorinaayo inay suugaanta ka qeyb qaataan, sidiidib loogu soo noolleyn lahaa.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin wax ka qabashada fanaaniinta Cabdi Tahliil Warsame iyo fanaanka weyn ee Jiim Sheekh Muumin, oo waqtigaan ku xiran xabsi ku yaalla Magaaladda Hargeysa, isagoo qeexay inay gacan ka geysan doonaan sidii lagu soo sii deyn lahaa.

Dhanka kale waxaa madasha ka hadlay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, isagoo ku dheeraaday fanka iyo fanaanka Soomaaliyeed, wuxuuna muujiyay in suugaanta ay tahay mid dhagal-gal ah, Dowladda Somaliya-na looga baahan yahay inay dib u soo noolleyso.

Si kastaba ha-ahaatee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu xilliyadii ugu dambeysay uu si weyn ugu baaqaayay in dib loo-soo noolleeyo fanka iyo fanaanka Soomaaliyeed, oo muddooyinkii ugu dambeysay ka sii liiqaayay saaxadda dalka.

Inta jeer ee la aqristay :211

No comments yet... Be the first to leave a reply!