Feb 05, 2012: Xilli maanta ay ugu dambeysay muddo 12 cisho ah oo ay Dowladda Soomaaliya u qabatay in looga baxo Xaruumaha Dowladda iyo guryaha gaarka loo-lee yahay, ayaan weli inta badan laga bixin guryahaasi.
Inkastoo ay jiraan guryo gaar ah oo laga baxay, ayaa waxay Dowladda Somaliya War Saxaafadeed ay soo saartay ay ku sheegtay, inaanan loo-dul-qaadan doonin dadka sida gaarka ah u deggan Xaruumaha Dowladda.
Hadaba War Saxaafadeedka ay Dowladda Somaliya soo saartay ayaa u qornaa sidatan:-
Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa soo kormeeray qaar ka mid ah dhismooyinkii dowladda oo laga saaray dhamaan intii sharci daradda ku daganeyd, iyadoo la gaaray xiligii ay dowladdu u asteeysay iney ka baxaan dhimsooyinka dowladda.
Wasiirka Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) ayaa maanta yiri “Runtii looma dulqaadan doono qofkastoo sii deganaada dhismooyinka dowladda, kaasoo uga faaideysanaya danahiisa gaarka ah, iyadoo ay jirto baahi aada oo loo qabo sidii dhismooyinkaas loogu adeegsan lahaa danta guud looguna shaqeyn lahaa shacabka Soomaaliyeed meel walbuu joogo”
Wasiirka ayaa intaa ku daray “Si dalkeena dib loogu dhiso waxaa loo baahan yahay in dhismayaasha dowladda ee sharci darada loo degan yahay in dib loo dhiso loona cusbooneysiiyo. Waxaana lagama maarmaan ah in ay Wasaaradihii iyo Wakaaladihii Xukuumaddu ay shaqooyinkeey shacabka u hayeen dib u bilaabaan”
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxan ku faraxsanahay in kuwa daganaa Gurigii Hooyooyinka, Hotelkii Shabelle, Dhismihii Jamaacda , Guriga dowladda Hoose, dugsii khasabka ee Shangaani, in si nabada loo baneeyay, waxaana ugu hanbalyeynayaa ciidamada nabadgelyada sida naxariista iyo daryeelka leh ee ay ku maamuleen intii ay socotay howlgalka lagu baneynayay dhismooyinkaas”
Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay “Waa ay sii socon doonaan howlgalka lagu baneynayo guryaha Dowladda, iyadoo aan kala sooc lahayn, waxaana qaanuunka la horgeyn doonaa kuwa isku daya iney ka horyimaadaan howlgalkaan dib gacanta dowladda loogu soo celinayo hantadii Qaranka”
Dhamaad
No comments yet... Be the first to leave a reply!