Home » News » Gaari cajiib ah oo lagu sameeyay Magaaladda Galkacyo ee Gobolka Mudug “Daawo”

Feb 05, 2o12: Gaari cajiib ah oo aan horey loogu sameyn gudaha Wadanka Soomaaliya, ayaa waxaa dhawaan lagu soo bandhigay Magaaladda Galkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoo ay sameeyeen arday Somaliyed oo ku dhaqan Magaaladda Galkacyo.

Gaarigan oo ah nooca kala jiidan ee Limousine-ta loo yaqaano, ayaa waxaa sameeyey ardayda wax ka barta machadka farsamada gacanta ee magaalada Gaalkacacyo ee Gobolka Mudug, isla-markaana waxay tani ka mid tahay horumarka ay sameeyeen ardayda Somaliyeed ee Gobolka Mudug.

Gaarigaan ayaa waxaa laga sameeyay biraha duugga ah iyo qaar ka mid ah gawaari kol hore burburtay, isla-markaana waxaa isku soo uruurshay arday fara-badan, kuwaa oo markii dambe ka sameeyay gaariga sidaan u quruxda badan leh.

Hadaba nala daawo:

Inta jeer ee la aqristay :428

One Response to “Gaari cajiib ah oo lagu sameeyay Magaaladda Galkacyo ee Gobolka Mudug “Daawo””

  1. Masha allah wa gari aad uqurxan balse waxa isweydin mudan xiligan miya xili lagu mashqulo gaari iyo bashal wa xili larabo inan adegsano fikrad ah sidi aan wadanka uga sari laheyn marxalada hada iyo gumeysiga kuso wajahan?

    Reply