Home » News » Dowladda Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab oo maanta hawada iskaga jeediyay hanjabaado xoogan

Feb 05, 2o12: Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay dooneysaa inay si sax ah Xoogaga Shabaab uga saarto qeybaha ay ka joogto Gobolka Gedo, waxayna Xarakada Al Shabaab ay dooneysaa sidii ay deegaanadaasi ku difaacan laheyd.

Gaanshaanle Warfaa Sheekh Aadan oo ka mid ah Saraakiisha Xoogga Dalka Somaliyeed ee Gobolka Gedo, oo Saxaafadda la-hadlay, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay weeraro ku yihiin Deegaanada ay gacanta ku heyso Al Shabaab.

Wuxuu tibaaxay in inta lagu guda jiro bishaan oo Febraayo ah, inay dagaalo xoogan ku qabsan doonaan goobaha ay Xarakada Al Shabaab kaga sugan tahay Gobolka Gedo, isagoo mid lagama maarmaan ah ku tilmaamay in Al Shabaab ay ka qabsadaan goobaha ay ka joogto Gobolka Gedo.

Warfaa Sheekh Aadan ayaa wuxuu xusay in Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ay dagaaladaasi kala qeyb qaadan doonaan Ciidamadda Milatariga ee Dowladaha Itoobiya iyo Kenya, isagoo qeexay in hawl-galkaasi uu yahay mid balaaran.

Dhanka kale Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cabaas C/Laahi C/Raxmaan, ayaa wuxuu isaguna uu sheegay kahor inta aysan soo weerarin Ciidamadda Dowladaha Itoobiya iyo Kenya, ay iyagu ku qaadi doonaan sida uu yiri weeraro.

Sidoo kale shacabka ku dhaqan Degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere ee Gobolka Gedo, ayaa wuxuu ugu baaqay inay hubka qaataan, oo ay ka dhinac dagaalamaan dagaal-yahanada Xoogaga Shabaab, oo ay dunidu u aragto kuwo khaldan.

Qorshaha lagu doonaayo in Al Shabaab looga saaro Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya ayaa waxay yihiin kuwo balaaran, balse Al Shabaab ayaa waxay qudheedu maleygeysaa qorshooyin ka dhan ah dhinacyada kale ee ka soo horjeeda.

Inta jeer ee la aqristay :186

No comments yet... Be the first to leave a reply!