Feb 05, 2o12: Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay ka hadashay dhac la-sheegay in maanta lagula kacay Xawaaladda Dahab Shiil ee Magaaladda Muqdisho, gaar ahaan Laanta ay ku lee-dahay Xaafadda Via Laberia ee Degmada Waaberi.
Afar nin oo xirneyd Labiska Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay maanta galleen Xaruunta Dahab Shiil ee Degmada Waaberi, isla-markaana waxay goobtaasi ka geysteen dhac aan badneyn.
Gudoomiyaha Degmada Waaberi ee Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Somaliya Mudane Axmed Mayre Marakaan, oo xilligaan ku sugan Laanta Dahab Shiil ee Degmada Waaberi, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inaanan wax lacago ah laga dhicin Laanta Dahab Shiil ee Degmada Waaberi.
“Waxaan Shacabka Somaliyeed u sheegayaa inay been tahay in lacag laga dhacay Shirkada Dahab Shiil Laanteeda Waaberi, aniga hadda waxaan ku suganahay Xaruunta Dahab Shiil Waaberi, waxayna qaateen burcadii soo weerartay moobeelo ay wateen shaqaalaha Dahab Shiil iyo dad shacab ah oo sugaayay inay qaataan lacago dibadda looga soo diray” ayuu yiri Axmed Mayre Marakaan.
Kooxda weerarkaan geysatay ayaa waxay ka baxsatay gacanta Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, balse waxaa la-sheegay inay xilligaan ku raad-jooggaan Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, waxaana la-doonaayaa in Sharciga la-soo taaggo.
Gudoomiyaha Degmada Waaberi ee Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Somaliya Mudane Axmed Mayre Marakaan, ayaa wuxuu biyo qaboob ku shubay warar xoogan oo sheegay in lacago laga dhacay Dahab Shiil Waaberi.
Inta jeer ee la aqristay :140
No comments yet... Be the first to leave a reply!