Home » News » Dagaalo lagu qaaday Ciidamadda Itoobiya iyo Al Shabaab oo sheegtay inay khasaaro xoogan ugu geysatay

Feb 05, 2012: Xarakada Al Shabaab ayaa waxay xalay dagaalo fillan-waa ah ay ku qaaday Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya ee ku sugan Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, waxayna dagaaladu geysteen khasaarooyin kala duwan.

Ciidamadda Dowladda Itoobiya ee fariisimaha ku leh Xaafadda Wadaag ee Magaaladda Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa xalay weeraro kedis ahaa ku soo qaaday dagaal-yahanada Xarakada Al Shabaab.

Warar madax banaan ayaa waxay sheegayaan in Xarakada Al Shabaab ay gantaalaha garbaha laga tuuro ay ku garaacday fariisimaha Ciidamadda Itoobiya ay ku lee-yihiin Xaafadda Hawl Wadaag, waxayna taasi dhalisay in khasaarooyin uu ka soo gaaray Ciidamadda Itoobiya.

Xoogaga Shabaab ayaa waxay daqiiqado kadib ay iska caabin xoogan ay kala kulmeyn Ciidamadda Itoobiya, isla-markaana waxay taasi ku keentay inay iskaga cararaan goobihii ay weerarada ku soo qaadeen Ciidamadda Itoobiya.

Afhayeenka Xoogaga Shabaab Sheekh Cabdi Casiis “Abuu Muscab” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ay u geysteen Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya, isagoo sheegay in weerarada ay sii wadi doonaan.

Inta jeer ee la aqristay :95

No comments yet... Be the first to leave a reply!