Feb 05, 2012: Waxaa Dhawaan lagu Qabtay Munaasabad aad u Balaaran oo lagu Xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Ka hor Tagga Gudniinka Gabdhaha Magaalada GOUDA ee Wadanka Netherlands.
Munaasabadan oo uu soo Qaban Qaabiyay Ururka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada GOUDA oo lagu magacaabo WARSAN ayaa Waxaa ka Soo Qayb galay Ururo Soomaaliyeed oo ka Dhisan Wadanka Netherlands,oo iskugu Jiraan Soomaali iyo Netherlands iyo Soomaalida Daggan Magaalada GOUDA iyo Hareeraheeda iyo Marti Shafar kale oo lagu Casuumay xafladda oo ka kala yimiday Magaalooyin kala Gadisan oo ka Tirsan Wadanka Netherlands.

Ugu Horeyntii ayaa waxaa Xafladda Furay oo Hadal Kooban ka soo Jeediyay Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee magaalada GOUDA,Mr,Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.Deeq) waxaana uu ka Hadlay ahmiyadda ay Leedahay in Soomaalida ay Xiligan ka Shaqeeyaan Ka hortaga Gudniinka Gabdhaha oo uu sheegay in uu ka Mid yahay Dhibaatooyinka Wadanka Soomaaliya iyo wadamo kale oo aduunka ka tirsan ku Haaya Colaadaha iyo Horumar La,aanta,isagoo ku Guubaaiyay Dhammaan Soomaalida oo dhan kuwa Qurbaha ku Sugan iyo kuwa Gudaha Dalka Joogaba in ay si Wada Jira ah ay arinkaas Foosha Xun oo ay Soomaalida Caado ka Dhigato ay Joojiyaan.
Sidoo kale waxaa iyana Halkaas Qudbad Qiiro leh ka soo jeedisay Marwo Zahar Cabdi Xirsi oo ka Socotay uruka Wadaniyiinta Soomaaliyeed oo ah Ururka ay Xafladan isla Soo Qaban Qaabiyeen Ururka WARSAN oo ah Ururka Jaaliyadda Soomaalida ee Magaalada GOUDA,waxaana ay Halkaas ka soo Jeedisay Guubaabo iyo Talooyin la Xiriira Sida ugu Haboon ee ay Soomaalida ugu Hor Tagi karaan Dhaqankan aadka u Foosha Xun,Waxaana ay dadweynihii halkaas ka soo qayb Galay ay ku Baraarujisay in aysan Gabdhaoohda aysan gudin una sii Gudbiyaan Fariintan Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ee Gudaha ku sugan,iyadoo Halkaasna ka soo Jeedisay Gabay ay ku Cabireysay ahmiyadda uu leeyahay in Gabi ahaanba la Joojiyo Gudniinka Gabdhaha kan Fircooniga loo Yaqaano iyo Kan Sunada intaba.

Waxaa iyana Halkaas sidoo kale Qudbad Dheer ka soo Jeediyay Doorka ay Dhalinyarada Ku Leeyihiin Ka Shaqeynta arimahan ka Hortagga Gudniinka Gabdhaha Mr,Yusuf oo ka Socday Ururka Somali Nexet Generation oo ah Urur ay ku Mideysanyihiin Dhamman Dhalinyara Soomaalida,waxaana uu Balan Qaaday in ururkoodu uu Mar walba ka shaqeyn Doono in Bulshada Soomaaliyeed lagu Baraarujiyo in ay iska Daayaan Caadadan Foosha Xun oo lagu Dhibaateeynayo Dhamaan Hablaha Soomaaliyeed.
Dhanka Diinta islaamka Waxa ay ka Qabto arinka iyo in ayasna sinaba u Banaaneyn in Gabdhaha la Gudo Fircooni iyo Suni kii uu doono ha ahaadee ayaa waxa Muxaadaro Halkaas Ka soo Jeediyay Sayid Cumar Nuur oo ka Mid ah Wax Garadka Soomaliyeed ee Daggan Magaalada GOUDA waxaana uu Dadweynihii Halkaas ka soo Qayb Galay u soo Jeediyay Wacdi ku aadan in laga Hortago Gudniinka Gabdhaha.
Xafladan ayaa waxaa ay ku soo Gaba Gabowday Sidii loogu Tala galay iyadoo gabagabdii Xafladda Lagu soo Bandhigay Cunto iyo Heeso Matlayay Dhaqanka Soomaalida kaas oo ay aad ugu Heleen Dadweynihii Xafladda ka soo Qayb galay,Gaar ahaan Dadka Netherlandeeska ah ee Xafladdan ka soo Qaybgalay Waxaana ay Bogaadiyeen Qaabka ay iskugu Xiranyihiin iskuna Jecelyihiin Soomaalida ku Nool Magaalada GOUDA oo ay u yihiin Dad Hal Meel Wax iskula Wada.
Intii ay Xafladda Socotay ayaa waxaa Halkaas Sidoo Kale Gabay ku Baxay Afka Holendeeska waxaa halkaas ka aqrisay Gabar Yar oo Soomaaliyeed oo 12 Sano Jir ah oo lagu Magacaabo Yasmin Maxamedyn waxaana Dadkii Xafladda Ka soo Qaybgalay ay ku Noqotay arin ay aad ula dhaceen Gaar ahaan Dadka Holandeeska ah oo bogaadiyay Waalidiinta Soomalaida oo Caruurtooda Wax Barashada kula Dadaala ilaa ay Gaareen Heer ah in ay ku Gabyaan Luqadda Holandeeska.
Munaasabadan ayaa waxaa si Wada Jir ah u soo Qaban Qaabiyay Ururka Jaaliaydda Soomaalida ee Magaalada GOUDA ee WARSAN iyo Ururka Wadaniyiinka Soomaalida,iyadoo dadweynaha Xafladda ka soo qayb Galay ay aad ugu Riyaaqeen Habka maamuuska leh oo ay Xafladan ku soo Gaba Gabowday.waxaana intii Xafladda ay Socotay Madadaalinayay Dadweynaha oo heeso iyo music ba halkaas ku soo bandhigay Kooxda fanaaniinta Soomaalida ee Magaalada GOUDA.
Ururka WARSAN oo ah urur ay ku Mideysanyihiin Dhammaan Soomaalida Degan Magaalada GOUDA iyo Hareeraheeda ayaa waxaa la aas aasay Dhawaan,waxaana uu Soomaalida Deggan GOUDA iyo Hareeraheeda u Qabtay Waxyaabo Fara Badan oo wax ku ool ah, isaga oo la Rajeynayo in uu Mustqbalka Wax badan ka Qabto Arimaha Soomaalida Deggan GOUDA iyo Hareeraheeda.
Inta jeer ee la aqristay :216







No comments yet... Be the first to leave a reply!