Home » News » Kooxda Alshabaab oo laga la wareegay Gacan ku heeynta Jaziirada Kudhaa ee Gobolka Sh/Hoose.

Feb 04, 2o12:  Ciidamada Huwanta is baheysanaya ee Dowlada KMG, Raaskambooni iyo Kuwa Kenya, ayaa la wareegay gacan ku heynta Jaziirada Kudhaa ee Gobolka Jubada Hoose, ka dib markii halkaasi isaga baxeen Xoogaga Al-Shabaab oo in muddo ah gacanta ku hayay.

Saraakiisha ciidamada Dowlada KMG ee Somalia kuwooda ku sugan Gobolka Jubbooyinka ayaa xaqiijiyay Gacan ku heynta Jaziiradaasi, iyagoona sheegay in wax dagaal ah uusan ka dhicin jaziirada, si nabad ahna ay kula wareegeen.

Jaziirada Kudhaa ayaa ah Jaziirada ugu weyn ee ku taal Gobolka J/Hoose, iyadoona xilliga ay Ciidamada Huwanta la wareegayeen ay aheyd goob aysan ku sugneen wax ciidamo ah oo ka amar qaata Kooxda Al-Shabaab.

Warar aansidaa loogu kalsooneen ayaa sheegayaa in Habeen ka hor ay Ciidamada Al-Shabaab isaga baxeen Jaziirada, ka dib markii Ciidamada is baheysanaya ay dhawaan la wareegeen, Jaziirada Buurgaabo oo 30km u jirta Jaziirada Kudhaa.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa la sheegayaa in ay Culeesyo badan kala kulmeen Ciidamada ku sugan Jaziirada Buugaabo iyo kuwa ku sugan degmada Badhaadhe oo aan ka fogeen Jaziirada Kudhaa, taasina ay soo da dajisay in ay isaga baxaan Jaziiradaasi

Kudhaa waaxa ay 180km dhinaca koonfur galbeed kaga toosan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbooyinka, iyadoona xilligaan ay muuqato in dhaq dhaqaaq ciidamada huwanta uu ku wajahan yahay Magaalada Kismaayo.

Dhaq dhaqaaq Xoogan ayaa la dareemayaa in ay xilligaan ay si wada jir ah u wadaan Ciidamada is baheysanaya ee Dowlada KMG, Raaskambooni iyo kuwa Kenya, kaasi oo ku wajahan deegaano hor leh oo ka tirsan Gobolka Jubbooyinka.

Lama oga sida ay xaalka ku danbeyn doonto, waxaana xilligaan inta badan deegaanada Gobolka ay gacanta ugu jirtaa Ciidamada Huwanta, oo wali dhaq dhaqaaqooda ku doonaya in ay gacanta ku wada dhigaan deegaanada ka harsan Gobolka ee aan gacantooda ku jirin.

Inta jeer ee la aqristay :93

No comments yet... Be the first to leave a reply!