Home » News » Gen Abdiqeybdiid: “Wixii Shaley Ka Dhacay Magalada Gaalkacyo Wuxuu Ahaa Fal Laga Naxo”.

Feb 04, 2o12:  General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo horrey u soo noqday wasiirka macdanka iyo taliyaha Pooliska Soomaaliyeed ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug wuxuu ku sheegay in uu ku lug laheen dil shaley ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo loo geestay dhalinyaro looga shakiyay qarixii dhawaan lagu qaaday guriga uu ka dagan yahay magaaladaas.

Wuxuu sheegay Cabdi Qeybdiid in uusan wax xiriir  ka dhaxayn dadka lagu dilay magaalada  iyo qarixii ka dhacay gurigiisa 31-kii bishii horre ee Janaay

Waxa uu sheegay in dadka meydadkooda Shalay lagu arkay Magaalada ay dileen dad dad wax magarato ah.


Waxa uu ku cel celiyey Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid  in wax xiriir ah la uusan ka dhexeen labada i arrimood Wuxuu kaloo xaqiijiyay in uusan jirin cid lagu tuhusan yahay oo la dilay in ay jiraan qarixii lagu  qaaday

Si kastaba qarixii ismiidaaminta ee lagu qaaday guriga Cabdi Qeybdiid ayaa waxa ku dhintay afar oo qof oo ay ku jiraan ilaa lada guriisa waxana sheegtay weerarkaas ururka Al-Shabaab ee la dagaalamaya dowladda KMG ah iyo AMISOM.

Dhowr qof ayaa loo qabtay qaraxaas kuwaas oo ku xiran hadda saldhiga pooliska magaalada Gaalkacyo

Inta jeer ee la aqristay :59

No comments yet... Be the first to leave a reply!