Home » News » Faah faahin la xiriirta Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo gaaray Maanta Magaalada Baledweyne.

Feb 04, 2o12: Waxaa maanta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaaray wafdi ka socda QM kuwaas oo raba in ay ogaadaan xaaladda amaan iyo mida bini’aadinimo ee ka jirtay magaalada.

Wafdigan oo hadda ku sugan magalada ayaa la sheegay in ay ka socdaan xafiiska siyaasadda u qaabilsan QM ee (UNPOS) kuwaas oo ka yimid magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sida ay u sheegeen XAQIIQDA.COM xildhibaano ka qeybgalaya kulan xubnaha wafdiga oo diyaarad gaar watay ayaa waxa ay ka kooban yihiin 14-xubnood waxana hoggaaminaya Cabdullaahi Warsame Walaalow ka tirsan xafiiska UNPOS oo dhawaan laga furay magaalada Muqdisho.


Wafdiga maanta tagay Beladweyne ayaa la sheegay in ay hadda kulamo gooni gooni la leeyihiin saraakiil ka tirsan maamulka dooxada shabeelle, kuwa Itoobiya iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo maalmahan ku sugnaa magaaladaas.

Illo ku dhow UNPOS ayaa u sheegay XAQIIQDA.COM wafdiga ku sugan Beladweyne in ay ka socdaan hey’addaha WFP, WHO iyo UNDP.Illa hadda ma jiro wax war ah oo ay siiyeen suxufiyiinta ka howlgalka Beladweyne.

Laakin waxa laga yabaa marka uu dhaamado kormeerkooda in ay la hadlaan saxaafada, waa markii labaad oo wadfi ka socda QM ay booqdaan magaalada Beladweyne tan markii Al-Shabaab laga qabsaday magaaladaas.

Magaalada Beladweyne tan iyo markii ciidamada dowlada taabacsan iyo kuwa Itoobiyanka ay qabsadeen waxa magaalada ka jirtay dhibaatooyin ballaaran taas oo ay ka mid tahay waxyeeleen loo geesto shacabka ku dhaqan magaalada kuwaas oo ay geesanayaan ciidamada Itoobiya.

Dhowr qof ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada waxana jirra dhalinyaro badan oo looga shakisan yahay in ay xiirir la lee yihiin Al-Shabaab oo ku xiran saldhiga dhexe ee magaalada.

Dowladda KMG ah Soomaaliya ayaa rabta in ay maamul hoostaga ay ka dhisaan Beladweyne, laakin waxa ilaa hadda lagu muran san yahay oo aan xalin laga gaarin in la dhameeyo.

Wixii ku soo kordha wafdiga maanta gaaray Beladweyne ee ka socda QM kala soco XAQIIQDA.COM  haddii alle idmo.

Yoonis Ali Nuur
Xaqiiqda News
Baledweyne Hiiraan

Inta jeer ee la aqristay :88

No comments yet... Be the first to leave a reply!