Home » News » Wararkii Ugu Danbeeyay Degmada Badhaadhe & Sarkaal Sheegay In 90km U Jiraan Kismayo.

Feb 03, 2o12:  Afhayeenka Ciidamada Dowlada KMG ee Jubbooyinka Gaashaanle Maxamed Faarax Daahir, ayaa faah faahin ka bixiyay Howlgalka ay Ciidamada Dowlada oo garabsanaya kuwa Kenya iyo Jabhada Raaskambooni ka wadaan Gobolka Jubbooyinka, asigoona dhinaca kale ka hadlay dagaalkii shalay ay kula wareegeen degmada Badhaadhe.

Maxamed Faarax Waxa uu guul ka sheegtay dagaalkii shalay ka dhacay degmada Badhaadhe, asigoona sheegay in tiro ciidan ah ay ka dileedn Xoogaga Al-Shabaab, kana qabsadeen Labo gaari dagaal iyo hub fara badan waa sida uu hadalka u dhigayee.

Afhayeenka Ciidamada Dowlada ee Gobolka Jubbooyinka, waxa uu intaasi raacsaday in Howlgalkii shalay uu qeyb ka ahaa Istiraatiijiyad dagaal oo u dagsan Ciidamada Huwanta is baheysaneesa, taasi oo ay kasii wadi doonaan Gobolka Jubbooyinka.

“Istiraatiijiyad dagaal ayee aheyd Howlgalkii shalay, Waxaan ku qabsanay Degmada Badhaadhe, Maleeshiyaad Shabaab ah ayaan ku dilnay, Labo gaari iyo Hub ayaan kaga qabsanay” Ayuu yiri Gaashaanle dhexe Maxamed Faarax Daahir.

Sarkaalkaan waxa uu sheegay in inta badan qeybaha ugu muhiimsanaa deegaanada hoos yimaada Gobolka ay gacanta ku dhigeen, isla markaana uu howlgalkooda u muuqdo mid gabo gabo ah, asigoona dhinaca kale sheegay in ay 90-km u jiraan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka.

Xaalada Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa saakay ah mid dagan, waxaana weli halkaasi gacanta ku haya ciidamada Isbaheysanaya oo ay horkacayaan Millitariga Kenya.

Waxaa soconaya dhaq dhaqaaq ciidan oo aan la ogeyn halka uu ku wajahan yahay Walloo Saraakiisha Ciidamada Dowlada ay sheegayaan in ay sii wadayaan howlgalka ay ka wadaan Jubbooyinka.

Inta jeer ee la aqristay :174

No comments yet... Be the first to leave a reply!