Feb 03, 2o12: Urur u ololeyn doona dhowridda deegaanka Somaalida (Somalia Enivornmental Protection) ayaa habeenkii 31st January 2012 looga dhawaaqay magaalada Eskilstuna ee dalka Sweden, waxaana xafladdii furitaanka ka qeybgalay dad Soomaali iyo Swedish isugu jira.
Ururka oo lagu magacaabay GREEN SOMALIA wuxuu galaangal iyo u doodis u sammeyn doonaa dhowridda deegaanka Soomaalida oo ay waxyeello culus ka soo gaartay 20-kii sano ee dagaallada sokeyee ay dalka halakeyeen gaar ahaan dhinaca wasaqeynta degaanka badda oo lagu shubay qashinka warshadaha iyo haraagga nukliyarka ee wadamada hore u maray, taasoo dhibaato weyn ay ka soo gaartay dadka xeebaha Soomaalida ku dhaqan iyagoo ay asiibtay xanuuno aan hore loo arag, dalaga beeraha oo dhalan rogmay, xoolaha oo dhogorta gadoontay iyo dhalashada ilmo aan laheyn xubnaha aadunuhu ka nafiso taranka labadaba iyo kuleylka cimilada, xaalufka dhulka beeraha iyo sababaha dhaliya.
Ururka GREEN SOMALIA wuxuu ku dadaali doonaa ka hortagga geedaha la gubayo ee dhuxusha laga sameeyo, dhoofinta xoolaha, duur-joogta, dabagalka tuugeysiga kheyraadka badda, dhibatooyinka laga dhaxlo tahriibka, safrinta hubka sharci darrada, dhibaatada degaanka ka soo gaartay dagaallada sokeeye.
Urukan wuxuu xiriir sokeeye la yeelan dooaa hay’adaha caalamka sida Hay’adda UNEP iyo kuwa dalka ee ka hortagga deegaan-gaddoonka (Environmental Degradation), waxaana lagu baahan doonaa ujeedooyinka ururka dhammaan Soomaliada ku dhaqan dalalka Scandinavian-ka si ay door weyn uga qaataan dhowrista deegaanka Soomaalida iyadoo weliba kor loo soo qaadayo wacyigelinta dadka si ay u noqdaan kuwo maskaxdoodu u furan tahay dhowrista deegaanka. Uruka waxaa u qorsheysan inuu qabto shirar, aqoon isweydaarsiyo iyo tababarro ku saabsan dhowrista degaanka.
GREEN SOMALIA waxaa qorshaha ugu jira inuu xiriir la sammeeyo jaamacadaha caalamka si loo sammeeyo sahan iyo baaris ku saabsan heerka shucaaca nukliyaarka ee biyaha sumoobay ee xeebaha Soomaalida oo lagu tuhusan yahay in lagu shubay sunta iyo sida wax loogu qaban karo dadka hadda il daran xanuunada ay qaadeen.
Xafladda waxaa kaloo ka soo qayb galay Mr. Aulis Syvajarvi , madaxa xarunta tababarada xirfadaha, Mr. Lennart Eriksson iyo Mr. Sten Ullerstad oo kala tirsan urur dhowrista deeganka iyo dabeecada ee Eskiltuna iyo marti sharaf kale.
Dunida maanta waxaa deegaanka loo aqoonsaday inuusan soohdin lahayn oo halka ay aafo xagga deegaanka ah ay ka dhacdo ay saameyn weyn ku yeelanayso qaaradaha kala fog ee adduunka.
Shirka waxaa ka hadlay Guddoomiyaha KMG ee GREEN SOMALIA, Abdulkadir Mohamoud Walaayo, Dr. Abdullahi Elmi Asad, oo ku takhusay Biyaha iyo Deegaanka, Mr. Aulis Syvajarvi iyo rag ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee ku kala dhaqan magaalooyinka Vesteros, Stockholm, Katerinholm, Halsthalhammar iyo Eskilstuna. waxay dhammaantood muujiyeen inay si hagar la’aan u taageeri doonan Ururkan, bacdamaa hawsha uu qabanayo ay tahay mid lagu badbaadinayo deegaanka Soomalida.








No comments yet... Be the first to leave a reply!