Home » News » Ra’isul Wasaare Dr Gaas: “Dowladda Talyaaniga waan ku qabsaday warqada la-sheegay inay qoreyn, laakiin way beenisay” AQRI

Feb 03, 2o12:  Waxaa maal-mahaanba leesla dhex maraayay in Dowladda Talyaaniga ay qortay dokumenti ay ku oraneysa isticmaar cusub halagu soo roggo dalka Somaliya, taasoo ay waxba kama jiraan ku tilmaamtay Dowladda Talyaaniga, sida uu galabta sheegay Raa’isal Wasaare Gaas.

Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Wali Maxamed Cali Gaas oo maal-mahaanba ku sugnaa Magaaladda Roma ee Xaruunta Talyaaniga, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Dowladda Talyaaniga uu kala hadlay, gumeysiga cusub ee la-sheegay inay la-dooneyso dalka Somaliya.


“Dowladda Talyaaniga waan ku qabsaday warqada la-sheegay inay qoreyn, laakiin way beenisay, maal-mahaanba waxaan ku sugnaa dalkaasi, waxaana la-kulmay Raa’isal Wasaaraha, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Wasiirka Gaanshaandhiga, dhamaantoodba waxay beeniyeen inay warqadaasi qoreyn” ayuu yiri Dr C/Wali Gaas.

“Waa been warqadaasi waxba kama jiraan mana aha wax ay qortay Dowladda Talyaaniga, waxayna Dowladda Soomaaliya ay cadeyneysaa inaysan waxba ka jirin warqadaasi” ayuu sii raaciyay Raa’isal Wasaaraha Somaliya.

Mudane Gaas ayaa wuxuu biyo qaboob uu ku shubay walaacii xooganaa ee laga qabay, in Dowladda Talyaaniga ay u ololeyneyso in gumeysi cusub lagu soo roggo dalka Soomaaliya, iyadoo taasi sabab looga dhigay 22-ka sano ee uu dalka ka sii soconaayo dagaalada sokeeye.

Marka laga soo taggo hadalka ka soo yeeay Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Wali Maxamed Cali Gaas, ayaan waxaan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay Madaxda Dowladda Talyaaniga.

Inta jeer ee la aqristay :174

No comments yet... Be the first to leave a reply!