Home » News » Madaxweyne Shariif oo maanta Booqday Goobo dhawaan ay la wareegeen Ciidamada Dowlada. “Daawo Sawirada”

Feb 03, 2o12: Madaxweyana Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta Socdaal ku tagay goobihii ugu dambeeyey ee ay Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom kala wareegeen Alshabaab.

Madaxweyanaha oo ay socodkiisa ku wahliyeen Xubna ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Taliyaasha Ciidamada iyo Agaasimaha Nabad Sugida ayaa waxa uu maanta gaaray gooba ay ka midyihiin Jaamacaddii Muqdisho ,Qabuuraha Barakaat iyo warshadii Coca-cola.

Madaxweyne Shariif oo saxaafadda kula hadlay goobaha uu booqday ayaa u hambalyeeyey Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom ee goobahaas ku sugan waxa uuna sheegay in uu gaba gabo marayo howlgalki Muqdisho goor dhawna lagu jaheeysanyahay goballada ay Alshabaab ku suganyihiin.

Madaxweyne Shariif ayaa shacabka ugu baaqay inay ku so laabtaan goobaha ay Ciidamada Dowladda la wareegeen.

Ujeedada socdaalka ayaa waxay ahayd in niyada loo dhiso ciidamada aagagaas difaacaha kaga jira.

Inta jeer ee la aqristay :166

No comments yet... Be the first to leave a reply!