Feb 03, 2o12: Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa amar cusub kusoo rogay degmada Guriceel ee Gobolka Galguduud, ka dib markii ay dadka ku dhaqan degmadaasi ku wargeliyeen in degmada uu gabi ahaanba Mamnuuc ka yahay istecmaalka Gawaarida Muraayadaha Madow.
Guddoomiye Kuxigeenka Degmada Guriceel ee Maamulka Ahlu Sunna Cali Baashi oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in degmada guriceel laga Mamnuucay Gawaarida Bensolka ah, asigoona talaabadaas ku sheegay in ay tahay mid lagu xaqiijinayo Amaanka Degmada.
Cali Baashi waxa uu digniin u diray dadka ku dhaqan degmada, asigoona ugu baaqay in ay u hogaansamaan Amarka kasoo baxay Maamulka Ahlu Sunna, ciddii u hogaansami weysana ay talaabo ka qaadi doonaan.
Ciidamada Ahlu Sunna ee gacanta ku haya Degmada Guriceel ee Gobolka Galguduud ayaa dyrba bilaabay roondooyin ay ku baadi goobayaan gawaarida Muraayadaha Madow [Bensol], iyadoona illaa iyo hada aysan jirin gawaarida amarkaasi loo soo qab qabtay.
Muddooyinkii ugu danbeeyay ayaa qeybo ka mid ah Gobolka Galguduud waxaa ka dhacay falal amaan darro kaasi oo qal qal gelisay dadka ku dhaqan Gobolkaasi, gaar ahaan deegaanada Ay Maamulaan Ahlu Sunna, iyadoona Talaabadaan lagu sheegay qeyb ka mid ah Xaqiijinta Amaanka Deegaanada ay Gobolka galguduud ka Maamulaan Ahlu Sunna.
Amarka Nuucaan ah ayaa horey loogu bartay Kooxda Al-Shabaab oo iyadu ka hore deegaanada ay ka talin jirtay kusoo rogtay Amar kani la mid ah, walloo talaabada lagu mamnuucayo Gawaarida Muraayadaha Madow uu yahay mid lagu xaqiijinayo Amaanka.
Inta jeer ee la aqristay :117
No comments yet... Be the first to leave a reply!