Home » News » Gen Abdiqeybdiid oo lagu weeraray Qaraxyo ismiidaamin ah maanta:

January 31, 2o12: Laba nin oo mid ka mid ah uu soo xirtay jaakadaha walxaha qarxa ka sameysan, ayaa waxay weerar ku soo qaadeen hoyga uu Cabdi Qeybdiid ka deggan yahay Koonfurta Magaaladda Galkacyo ee Gobolka Mudug.

Mid ka mid ah labadaasi nin ayaa wuxuu gudaha u soo gallay hoyga Taliyihii hore ee Ciidamadda Booliska ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya General Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid”, iyadoo xilligaasi uu ku sugnaa Cabdi Qeybdiid, ayna la-jooggeen rag kaloo siyaasiyiin ah oo ay isu heyb yihiin.

Gudaha guriga ayaa waxaa ka dhex bilowday israsaaseyn dhex martay ilaalada gaarka ah ee Cabdi Qeybdiid iyo ninkii gudaha u soo gallay ee walxaha qarxa xirnaa, muddo kooban kadib ayuu goobtaasi uu isu qarxiyay.

Qaraxaasi oo uu la-damacsanaa in uu ku dillo Cabdi Qeybdiid ayaan taasi ku guuleysan, isla-markaana waxaa qaraxaasi ku dhintay shakhsii isa soo miidaamiyay iyo laba ka mid ah ilaalada gaarka ah ee Cabdi Qeybdiid.

Shakhsiga isqarxiyay kii kale ee la-socday ee dibadda taagnaa, ayaa waxaa la-sheegay in uu goobtaasi u isaga baxsaday, isagoo markaasi si gaadmo leh ku dillay mid ka mid ah Ciidamadda Taliyihii hore ee Ciidamadda Booliska ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya General Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid”.

Cabdi Xasan Cawaale oo goor dhaw dhacdadaasi ka hadlay ayaa wuxuu Idaacada VOA-da uu galabta u sheegay, in uu caafimaad qabo, isla-markaana uu Alle ka badbaadiyay weerarkii lala damacsanaa in lagu dillo.

Marka laga soo taggo khasaaraha soo gaaray ilaalada masuulkaan iyo midkii isqarxiyay, ayaa wuxuu kaloo sheegay in israsaaseynta labada dhinac dhex martay ay ku geeriyootay, haweeney ku sugnaa meel aanu sidaasi uga fogeyn hoyga uu ka deggan yahay Magaaladda Galkacyo.

Weerarkaan ayaan si sax ah loo-ogeyn cidda dhabta ah ee geysatay, waxaase shaki xoogan laga muujinayaa inay ka dambeysay Xarakada Al Shabaab, bacdamaa iyada oo qura looga bartay weerarada noocaanoo kala ah.

Inta jeer ee la aqristay :69

No comments yet... Be the first to leave a reply!