Home » Articles, News » Fanaanka Cabdi Tahliil “Xabadda kas baa leegu dhuftay, madaxa bay iga dhacday, cid wax ii qabatayna malaha”

January 31, 2o12: Fanaanka weyn ee Cabdi Tahliil Warsame oo shalay lagu dhaawacay Magaaladda Muqdisho, ayaa wuxuu faallo dheer uu ka bixiyay xabadda ku dhacday, cidda ku dhuftay iyo sababta loogu dhuftay, xilli uu ku sugnaa hoygiisa oo ku yaalla Xaafadda Fiyooraha ee Magaaladda Muqdisho.

Cabdi Tahliil Warsame oo maanta la-hadlay Warbaahinta Magaaladda Muqdisho qaarkood, ayaa wuxuu muujiyay goobta ay xabadda uga dhacday, isla-markaana Dowladda Somaliya ayaan wax ka qaban dhibaatada loo-geystay, sida uu yiri.

“Wiilal aan dhalay ayaa waxay isqabteen dhalinyaro kale, markaa baa waxaa dhacday anaga oo guriga joogno inay nagu soo weeraraan, waxay nagu xabadeeyeen gurigii, iyagoo doonaaya inay meeshaasi wax uun ku dillaan, laakiin Allaa wax dillo, rasaastii ay nagu soo fureyna mid ka mid ah ayaa waxay iiga dhacday madaxa, Al Xamdulillaah hadana si weyn maysan wax ii gaarsiin” ayuu yiri hobolka weyn ee Somaliyeed.

“Dhaawaceygu hadda wuxuu yahay mid iska caadi ah Insha’Allah waan ka soo kici doonaa, balse waqtigaan majooggi gurigeyga oo meel ka baxsan baan jooggaa, waxaan kaloo idin sheegayaa inaan la’ahay laba wiil oo aan dhalay, wixii ka dambeeyay markii dhaawaca la’iigeystay” ayuu markale yiri Cabdi Tahliil Warsame.

Wiilasha uu dhalay ayuu sheegay inuusan garaneyn halka ay ku dambeeyaan, isagoo tilmaamay inuusan raq iyo ruux midna meel ku sheegin labadiisa wiil, isla-markaana wuxuu muujiyay in si awood leh loogu soo weeraray hoygiisa, wuxuu kaloo sheegay inaysan waxba ka qaban Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, tacadiyadii lagula kacay.

Dhanka kale hoyaga Cabdi Tahliil ayaa waxaa meel dacalka ku heysa fariisimo ku leh Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, isla-markaana xilligii rasaasta ay dhaceysay ayaysan ku soo bixin, inay wax ka qabtaan iska daayee.

Shalay ayaa waxaa soo shaac baxday in Cabdi Tahliil Warsame uu ku dhaawacmay israsaaseyn Ciidamadda Dowladda ku dhex martay Degmada Xamar Weyne, hase yeeshee markii uu maanta ka sheekeeyay Cabdi Tahliil Warsame sida ay wax u dhaceen, ayaa waxay layaab ku noqotay reer Muqdisho.

Inta jeer ee la aqristay :778

No comments yet... Be the first to leave a reply!