January 31, 2o12: Saakadii hore ayee aheyd markii Xoogaga Al-Shabaab ey weerar culus kusoo qaadeen duleedka Degmada wadajir gaar ahaan deegaanka loo yaqaan jaziira oo ah deegaan deex, isla markaana loogu bartay wax soo saarka Milixda, halkaasi oo dagaal culus uu ka dhacay.
Xoogaga Al-Shabaab ayaa weerarka ku soo qaaday fariisimo ay halkaasi ku lahaayeen Ciidamada gaarka ah ee ka howlgala degmada Wadajir, taasi oo dhalisay in labada dhinac uu dagaal culus halkaasi ku dhex maro.
Dagaalka oo ahaa mid ladaba dhinac ay isku adeegsadeen Hubka Nuucyadiisa kala gedisan, ayaa waxaa suura gashay in Ciidamada Al-Shabaab ee halkaasi weerarka kusoo qaaday la wareegaan deegaankaasi isla markaana muddo ay ku sugnaadaan.
Ciidamada Al-Shabaab ayaa dhufeesyo ka sameestay daaro dhaa dheer iyo dalcado halkaasi ku yaala, iyagoona qoryaha BKM-ka loo yaqaan iyo Madaafiicda garbaha laga tuura halkaasi la koray, taasi oo sahli weysay in Ciidamada Maamulka degmada wadajir ay u babac dhigaan Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday.
Cutubyo ka tirsan Millitariga Dowlada KMG ee Soomaaliya, isla markaana ay hor kacayeen Abaanduulaha Ciidanka Xooga Gen. dhaga-badan iyo Gen. Gacma dulle, ayaa dagaalkaasi ku biiray iyadoo sidoo kale la sheegay in dagaalka ay ku biireen Ciidamo ka tirsan kuwa Brundi oo fariisin ku leh meel aan sidaa ugu dheereen deegaanka Jaziira.
Inta jeer ee la aqristay :123
No comments yet... Be the first to leave a reply!