January 31, 2o12: Afhayeen u hadlay ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay guri uu magaalado Gaalkacyo ka degan yahay Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.
Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo ah afhayeenka dhanka dagaalada ee Al-Shabaab oo ka hadlay idaacadda ku hadasha afka ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in mid kamid ah raggii ay u tababareen isqarxinta uu galay guriga Cabdi Qeybdiid maanta duhurkii ka dibna uu halkaasi ku dilay tiro ka mid ah ilaalada Cabdi Qeybdiid, sida uu sheegtay.
Abuu Muscab ayaa sheegay in ninka isqarxiyey uu ahaa nin loo diyaariyey qaraxaasi naftiisuna uu qarxiyey ka dib markii ay rasaas isdhaafsadeen isaga iyo raggii ilaalada ahaa ee joogay guriga Cabdi Qeybdiid.
“Runtii wuxuu ahaa weerar istish-haadi ah oo ay ku dhinteen qaar badan oo ka mid ahaa ilaaladii Cabdi Qeybdiid” ayuu yiri abuu Muscab oo aan lagu aqoon inuu ka hadlo dadka ismiidaaminta sameeya.
Wuxuu intaa ku daray in tirakoobka dadkii geeriyooday ay wadaan.
Idaacadda Andalus ee ay adeegsadaan kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in Cabdi Qeybdiid uu ka mid ahaan jiray wax ay ugu yeereen “koox gaalo ah” oo ka tirsan DKMG, waa siday hadalka u dhigtay idaacadda Al-Shabaab.
Idaacaddu weli ma sheegin qofka uu ahaa ninka isqarxiyey iyo magaciisa sida horey looga bartay.
Qaraxa ismiidaaminta ee maanta duhurkii lala beegsaday guriga Cabdi Qeybdiid oo ku yaalla koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa sababay dhimashada illaa 4 ruux oo labo ay ahaayeen ilaalada Cabdi Qeybdiid oo xilligaasi guriga joogay. Sidoo kale ninkii ismidaamiyey oo la aaminsan yahay in bambooyin iyo bastoolad uu sitay ayaa goobta ku dhintay.
Cabdi Qeybdiid oo isaga laftiisa weerarka lagu qaaday gurigiisa ka hadlay wuxuu sheegay in dadka dhintay ay ku jirto hal haweeney ah. Wuxuu kaloo sheegay in baaritaan ay ku hayaan ismiidaamintan halka laga soo maleegay.
Cabdi Qeybdiid wuxuu xilal kala duwan ka soo qabtay DKMG, sida isagoo mar ahaa taliyaha booliska xukuumadii Cumar C/rashiidna ka ahaa wasiirka macdanta iyo biyaha. Hase yeeshee wuxuu waayadan dambe u wareegtay dhanka Gaalkacyo isagoo la shaqeynayey maamulka Galmudug.
Inkastoo weerarada ismiidaaminta ee ay geystaan dadka naftooda halaagayaasha ah lagu yaqaano Al-Shabaabhaddana wuxuu weerarkan noqonayaa mid saameynku yeesha xaalada amaanka ee masuuliyiinta maamulada kala duwan oo dhamaantoodba bartil maameed u ah kooxda Al-Shabaab.
Inta jeer ee la aqristay :170
No comments yet... Be the first to leave a reply!