January 31, 2o12: Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa maanta gacanta ku dhigay Hub iyo waxyaabo Qarxa oo la sheegay in loo waday Xoogaga Al-Shabaab ee dagaalka kula jira Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.
Howlgal balaaran oo ay Ciidamada Dowlada Maanta ka sameeyeen qeybo ka tirsan Degmooyinka Xamarweyne iyo Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay gacanta kusoo dhigeen Gaari Dameer ku rarnaa Hub isugu jira kuwo fudud iyo kuwo Culus oo ay wehliyaan waxyaabo qarxa.
Howlgalkaan ayaa ahaa mid ay si toos ah u fuliyeen Hey’adda Nabad sugida Dowlada KMG ee Soomaaliya, sida uu xaqiijiyay, Taliyaha Nabad sugidda Gobolka Banaadir Gaashaanle sare Qaliif Axmed Ereg.
Taliyaha waxa uu sheegay in ay Ciidamada ku guuleesteen Qabashada Gaari Dameer ku rarnaa hub kala gedisan iyo ninkii waday, isla markaana ay xilligaan soconeeso baaritaano lagu sameenayo halka Hubka laga keenay iyo cida saxda ah ee loo siday.
Ciidamada Amaanka Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa saakay dhaq dhaqaaq ka waday qeybo ka mid ah wadooyinka waa weyn ee halbowlaha u ah Magaalada Muqdisho, iyadoona dhaq dhaqaaqii ugu weynaa ee ciidamada ka wadeen degmooyinka Xamar jajab iyo Xamar weyne, taasi oo la sheegay in ay ciidamada ku xaqiijinayeen Amaanka degmooyinkaasi.
Taliyaha Ciidamada Nabad sugida Gobolka Banadir mar uu la hadlay saxaafada ayuu sheegay in dhankooda ay horey ugu war hayeen, dhaq dhaqaaqa ay maanta sameeyeen uu daba socday sidii ay ugu hor tagi lahaayeen falalka nuucaan oo kale ah, asigoona intaasi raaciyay in ay sii wadi doonaan howlgalka lagu xaqiijinayo Amniga.
Hubkaan ayaa la sheegay in loo siday Xoogaga Al-Shabaab, inkastoo Hubka oo laga dhex qabtay Bartamaha Faras magaalada ay ka taliso Dowlada KMG aan la ogeyn halka laga keenay iyo cida ku lugta leh intaba.
Inta jeer ee la aqristay :135
No comments yet... Be the first to leave a reply!