Dec 25, 2011: Shirweynihii 7-aad ee Xisbiga SSUP oo shalay ka furmay Magaalada Katrinholm ayaa Maanta la soo gaba gabeeyay ayadoo Shirka uu ahaa mid ka duwan kuwii horay uu u qabtay Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed ee “SSUP”
Shirweynahaan oo ay ka soo qeyb galeeyn Dad Magac iyo maamuus ku dhex leh Bulshada Soomaaliyeed oo ka kala yimid Aduunka Daacaladiisa ayaa halkaasi ka hadlay kana jeediyay Qudbadooyin wax ku ool ah oo taabanaya Dhibaatada ka jirta Dalka Soomaaliyeed.
Shirka waxaa ka hadlay Aqoonyahano aad u fara badan waxeeyna dhaamaantood diirada saareeyn Wax qabadka iyo Howlaha Xisbiga SSUP waxeeyna ka hadlayeen dhamaan Taariikhda Alaha u Naxariistee Marxuum Iikar Aamiin Iikar oo ka mid ahaa Aas aasayaashii Xisbiga SSUP oo 24-kii Bishii labaad ku Geeriyoodan Wadanka Sweden.
Mr Abdullahi Hassan Dhaqaale oo ahaa Xiriiryaha ayaa halkaasi ku soo bandhigay Taarikhda uu ku la haa Buslahada Soomaaliyeed Marxuum Iikar Aamin Iikar waxuuna sheegay in uu Garabkiisa Buuxin jiray uuna maanta dareemayo Cidlo waxuuna dhamaan Martida ku booriyay in ay u duceeyaan oo ay fataxada u maraan waxuuna dhaqaale soo dhaweeyay dhamaan matida kala duwan ee Sanadkaan ka soo qeyb galay.
Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed ee “SSUP” Mudane Yassin Maaxi Mo’allim ayaa halkaasi ka jeediyay Qudbad dhinacyo badan taabaneyso oo ka hadleeysay waxqabadka Xisbiga SSUP iyo sida ay Muhiim u tahay Xisbiga in uu ka qeyb qaato Baadi Goobka Nabadda ee Wadanka Somalia.
Mr Maaxi waxuu sheegay in Sanadka 2012 uu Noqon Doono Sanadkii Nabadda iyo Barwaaqada waxuuna Carabka ku dhuftay Dhawaa ama Dheeraa in Xisbiga SSUP uu Hogaamin doono Wadanka Somalia.
Mudane Yassin Maaxi Waxuu ka sheekeeyay Taariikhda Marxuum Iikar Aamiin waxuuna sheegay in maalin ama saacado aan lagu soo koobi karin Taariikhda Mudane Iikar Aamin Iikar oo Sanadkaan Gudahiisa ku Geeriyooday Wadanka Sweden waxuuna Rabbi uga baryay in uu siiyo Janatul Fardowsa.
Gudoomiye Yassin maaxi waxuu u mahad celiyay dhamaan Xubnaha Xisbuga ee ka shaqeyay qabsoomida Shir sanadeedka Xisbiga iyo dhamaan ka soo qeyb galshaa mesha is kugu Yimid Sanadkaan ee muujiyay sida ay u taageersan yihiin Waxqabadka Xisbiga SSUP.
Ugu Dambeytii Mr Maaxi waxuu sheegay in muhiim ay tahay in laga gudbo caqabada hortaagan Nabadda ee mudada 21 sano ah waxuuna sheegay in 4.5 ay ugu weyn tahay caqabada hortaagan Somalia uuna sheegay in ay dadaal dheer iyo mid gaabanba u gali doonan la dagaalanka 4.5 iyo cid kasta oo hor taagan Nabadda Somalia.
Marti aaad u fara badan ayaa halkaasi hadalka ka jeediyay ayagoo badi kawada simanaa dhinaca wanaaga iyo taageeroda Xisbiga SSUP.
Martidii halkaaasi ka hadashay waxaa ka mid ahaa:
Mr Ibraahin Qalinlle oo ku hadlayay Magaca Jaaliyadaha Wadanka Sweden iyo Xisbiga Isbaheysiga Ummada Soomaaliyeed:
Gudoomiyaha Ururka Dib u Dhiska Somalia ee ”SORO” Mr Dr Abdullahi Sheikh Mohamed “Muftaax”
Hobaladii weyneed ee Hakiima Caalim Mahamuud oo loo yaqaanay “Shumeey” oo kaga timid Wadanka Holland
Mr Hassan Abdulqaadir Macalin Xubin ka tirsan Xisbiga “SSUP”
Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Wadanka Holland ee Warsan Mr Mahamed Abuukar Sheikh M /Deeq. Holland
Mr Abdi Abdulle Ducaale oo ku hadlay Magaca Jaaliyada Wadanka Finland
Mr Abduqadir Sheikh Mohamed “Cagmadhige” Xoghayaha Arimaha Bulshada ee Isbaheysiga Ummada Soomaaliyeed.
Mr Ismail Mohamed Shire Xubin SSUP Brolinge
Ciyaaryahankii Kooxdii Horseed Maxamed Deeqoo Macalin (Jagsan)
Gaba Gabadii Shirka waxaa laga soo saaray Warsaxaafadeed kooban:
1: Shirweynihii 7-aad ee Xisbiga SSUP waxaa loogu Baroordiiqayay Alaha u Naxariistee Marxuum Iikar Aamiin Iikar.
2: Xisbiga Waxuu Hogaanka Dalka Somalia u soo jeedinayaa in anan loo baahneyn Xiligaan is qab qabsi iyo dagaal ee loo bahan yahay Nabadda soo iftiintay in aan dib colaad loogu celin oo horay loo sii anba qaado
3: Xisbiga Waxuu Talo Hambalyo u soo Jeediyay Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Guusha ka gaaray Dagaalada Dalka ka soconaya ee din loogu soo celinayo amaanka iy kala Dambeeynta
4: Xisbiga Waxuu Cambaareeyay Dilkii loo Geestay Wariye Abdisalaan Xiis waxuuna Dowlada KMG ugu baaqay shaqsiyaadka ay u qabteyn in ay Maxkamada hor geeyaan sida ugu Dhaqsiyaha Badan.







Qore Abdifatah Lajecloow
Katrinholm Sweden
Inta jeer ee la aqristay :9685




























asc waxan salamaya xisbigaan somaliyeed ee aan u arkoo inu daneynayo dalka iyo dadkaba waxan leyahay xisbigaan alaha ka dhigo xisbii kobciyaa wadanka iyo dadkisa waxan leyahay so dhawada waxa kalee o aan donaya ianan irahdo xisbiga horta wan idiinku faraxnay markan aragnay hadaladina ku adaan xooga dalka iyo iyo ragii dilaay werihi aad u hiliseen adna farteen waxa ku ahboon dilka iyo wadanka wanagisa lakin waxan meshan uga jedii lahay calankeynii buluga aha o samada u ekaa farxadii aya waxa ka dhiman calankenii babanayay e aadka u quruxda badnaa waxan idinka codsanaya marka labad ianad so sartaan sheerka mesha u ka dhacayo sii anuu idinku ogano inat tihiin somalida aan somali shegatka ahayn thnks wad mahadsantihiin sahra sheekh hollonds
ASC WAXAN HABALYO IYO BOGADIIN U DIRAYAA SOMALIDAN SO QABAN QABISAAY XISBIGAAN WAXAN LEYHAAY WCM SAHRA WAN KU SALAMAY WADNA KU MAHADSANTAHAY FIGRADADA WANAGASAN ANIGUNA WAXAN LEYHAY SOMALIDA OO DHAAN WAXA LAGA DONAYAA INEEY LA SHAQEYAAN DOWLADA KMG AH EE WADANKA ISBEDELKA DIRAAN KU BALARISAAY MASHA ALAAH XISBIGA WAXAN LEYHAY HANANKINA WA INAN DARENA
Hambalyo Salaan Qiimo Badan Mr Maaxi Iyo Xisbigiisa waxaan idiin lee yahay waxaan sugnaa waaa adinkoo hogaanka wadanka haya walaahi cid idinka fiican ama somalinimo jaceyl aysan jirin Hambalyo kun jeer howl fiican baad qabateeyn.
WaaaW Mr Yassin Maaxi walaahi waan ku faraxsanahay hormarkaada waxaana ka mid aha dhalinta dagan Magaalada Katrinholm waxaan ku sheegaa Cadoowgaada in uu badan yahay oo ayna ka mid yihiin Asxaab adiga ku qosla markaad tagtana xumaan iyo wax aan jirin kaa sheega waxaan dhihi la haa kuwaas War heedheh Mr Maaxi wuu tagee haka harina beena ha u sheegina Naftiina. Viva SSUP
Mashaa allah Wiilkeena Maaxi iyo Walaalahiisa garab taagan waan idiin hambalyeeynayaa Shaqada aad qabateeyn waxaana alle idin kaga baryayaa in ad sii wadaan howshaan oo aadan ka caajisina waxaan sugnaa waa guusha maalin un Madaxweyne in uu noqdo Mr Maaxi Mo’allim Hambalyo
Waan salaamay Asxaabta Xaqiiqda.com iyo Madaxda Xisbiga SSUP marka hore Hambalyo marka xiga waxaan dhihi la haa Jaaliyada Somalida Katrinholm ha la iska daayo Xumaanta ee ha lagu daba feelmo Mudane Yassin Maaxi walaalayaaloow plzz iska daaya xumaan magaca ma sheegaayo lkn waxaan dhihi la haa waan idiin baryaa aan mid noqono yanan la isku ceynin Suldaanka iyo meelaha la midka ah waan is naqaanaayee ha lees cafiyo Thankss Xaqiiqda.com mr Lajecloow
Salaamulaahi Asxaabeey waxaan aa lagaa dhahaa shir hadii kale ha leeska daayo waana dhalinyaro waxa meesha iskugu imaaday waxaana aaminsanahay in hormar lagu gaaraayo mideeynta dhalinyarada whyo dadkii waaweynaa qabiil iyo qabyaalad ayaa ka buuxsantay Viva SSUP and Hogaamiyahooda Mr Maaxi.
Hambalyo SSUP iyo Waxii Jaceyl Hormarka Soomaaliyeed Viva Midnimo iyo Nabad Jaceylka SSUP
Asc Asxaabta qiimaha badan waxaan ka dhihi la haa mesha horaa loo yiri ee Hormarka halaga shaqeeyo Asxaabeey.
a/c
marka hore wan salamay dhaman xubnaha katirsan ssup iyo inta targertaba marka labad hambalyo sida wanagsan ee ad ushaqeyneysan waxan idinka codsaneyna ina si laba jibartan dadalkina.
wa mahadsantin
asc qabiil ayaba naa rafadiyay lakin asaxbta meshan figradohoda kala duwan ku so ban dhigaay wad mahadsantihiin sida hufan ee aad hadalada wanagsan u so qorteen xisbigna waxan lenahy kii dadkisa iyo dalkisa hurumar la begsada alaha ka dhigo
masha ALLAH inta wanaaga somali iyo nabada ka shaqeyneysaa allah idinla jiro walalaheyga somalina waxaan dhihi lahaa oo halkan iskugu yimid esh calaa qurux waaye and who ever took this pict it’s masha ALLh runtii waa Professional Photographer good job<3.
marka hore waa u habalyeeyna walaalkeeyga somaliyeed marka xiigta waxaay hayaan malahaan ku waan ebow aniga ee iska heera asiga ka so haraye maaxi ma xuuma sii marka loo firsho laakin tageraashashisa ayaa xuun
War xisbigan yalaraacin wad qaldantihn hadi ad israaraacisan wad badiyowi ogow walal dadkan wa qaa imin ilah kafurtay wax ay wadankoda kafikirayan majiro haday rabn iney wadnkoda difacan waa iney lajihadan galada iyo murtadinta