Dec 15, 2011: Xulka Qaranka Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliyeed ee ka qeyb galaaya Ciyaaraha All Arab Games ee ka socda Magaalada Doha ee Dalka Qatar, ayaa maanta la kulmay guul daradii 2-aad ka dib markii kulan xiiso badan ee isla ciyaareen Xulka Qaranka gabdhaha Dalka Lubnaan.
Ciyaarta Galabta oo aheyd mid aad u xiiso badan isla markaana la wada sugaayay ayaa ku soo idlaatay 38-87 oo loogu awood sheegtay Xulka Qaranka Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliyeed.
Gabdhaha Kubada Koleyga Dalka Lubanaan ayaa iyagu ah Xulka ugu adag Ciyaaraha Kubada Koleyga ee jaamacada Carabta waxaana loogu cabsi qabaa in ay sanadkaan la hooyato Koobka All Arab games.
Qaranka Soomaaliya oo 3-kulan ciyaaray tan iyo inta uu bilawday tartankaan All Arab Games ee ka socda Magaalada Doha ee Dalka Qatar, ayaa waxa ay kulankooda ugu horeeyay la ciyaareen Xulka Qaranka Dalka Masar, kaasi oo ku soo idlaaday 90-24, oo soomaaliya loogu awood sheegtay.
12,December ayee xulka Qaranka Soomaaliya la ciyaareen Qaranka Dalka Qatar ee iyagu dalkooda lagu marti gelinaayo Koobka All Arab Games, taasi oo soomaaliya ay ka gaareen guushii ugu horeesay, iyagoona 67-57 ugu awood sheegtay Qaranka Qatar.
Soomaaliya meel waliba oo ay joogto maalintaasi waxa ay u aheyd maalin farxadeed maadaama ay Qaranka Soomaaliya ee gabdhaha Kubada Koleyga Cashir u dhigeen Dalka Qatar oo marti gelinaya Koobka.
Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliyeed waxaa u harsan laba kulan oo ay la kala ciyaari doonaan Gabdhaha Dalka Kuwait iyo Jordan, iyadoona labadaasi kulan ay soomaaliya ka rajeenayaan in ay ka soo hooyaan guul.
Qore: Salah Dheere
Inta jeer ee la aqristay :700
waxba kama jiraan waxad sheegty sxb