Dec 12, 2011: Qaranka gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliya ayaa markii ugu horeesay Dharbaaxshiyo ku dhuftay Dhigooda dalka Qatar, tan iyo intii uu bilawday Ciyaaraha All Arab Games ee ka dhacaya Magaalada Doha ee Dalka Qatar.
Galabta ayaa waxaa ciyaar xiiso badan ee dhex martay Xulalka Dalka Qatar iyo Soomaaliya, waxaana muuqatay in Xulka Dalka Qatar Cashir loo dhigay Dalabka ka dib markii 4-ta qeybood ee ciyaarta hogaanka loo haayay Xulka Qatar marka laga reebo 1 qeyb oo ay hogaanka qabteen.
Ciyaarta galabta oo aheyd mid si weyn loo wada sugaayay ayaa waxa ay ku soo idlaatay 67- oo ay la imaadeen xulka Qaranka gabdhaha Soomaaliyeed iyo 57 oo ay la imaadeen Xulka Qatar.
Ciyaartii ugu horeesay oo ay Xulka Qaranka Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliyeed la ciyaareen 9-kii December Xulka Dalka masar, ayaa waxaa muuqatay in Soomaaliya Cashir loo dhigay waxaana loogu awood sheegtay 90-24
15-ka December ayaa la filayaa in Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee la ciyaaraan dhigooda dalka Lubnaan, ciyaartaasi oo ah mid si weyn loo wada sugaayo.


HALKAAN HOOSE KA DAAWO DABAALDAGA XULKEENA SOOMAALIYA
No comments yet... Be the first to leave a reply!