Dec 07, 2011: Waxaa si rasmi ah loo shaaciyay isku aadka Koobka Ciyaaraha Fustalka ee “Amsterdam Fustal Tornament 2011″ kaasi oo ah koob sanad waliba Bisha December dhamaadkeeda lagu qabto Magaalada Amsterdam ee dalka Holland, iskuna arkaan Kooxaha Jaaliyadaha Soomaalida ee dalalka Yurub.
Qorituurka Koobkaan ayaa lagu qabtay Magaalada Amsterdam iyadoona Ciyaaraha HIRDA Fustal Tornament ee Sanadkaan ka qeyb gali doonaan illaa iyo 24-kooxood oo ku guuleystay buuxinta shuruudaha loogu qeyb galo Ciyaarahaan, inkastoo 43-kooxood ee dalabkooda soo gudbisteen.
Kooxaha ka qeyb galaya Ciyaaraha Fustelka Amsterdam ayaa sanadkaan ka kala imaan doona Dalalka UK, Switzerland, Norwey iyo Magaalooyinka waa weyn ee dalka Holland.
Sidoo kale Sanadkaan ayaa la filayaa in uu noqdo mid ka duwan sanadihii hore ee soo maray ciyaaraha Fustelka Amsterdam, iyadoona had iyo jeer ee ka soo qeyb galaan ciyaarahaan Xubno Magac iyo Sumcad ku leh saaxada Isboortiga Soomaaliyeed.

Ciyaaryahankii Hore ee Xulka Qaranka Kubada Cagta Dalka Soomaaliya iyo kooxdii Horseed Legend Maxamed Ismaaciil, ayaa sanadkaan furi doona koobka Amsterdam Fustel Tornament, iyadoo uu garabkiisa taagnaan doono Xiddigii Kooxda Manchester, xilligaanna u ciyaara Kooxda NEC ee ka dhisan Dalka Holland Cabdisalaam Ibraahim Caddaay.
Sidoo kale Sanadkaan Waxaa Tornamentigaan lagu marti qaaday, Mucjisaha Kubada Miiska Magan Tahir, Laacibkii Kubada Koleyga Macalin John, Garsoore Caddaay, Madaalihii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta, Koofur Yare, Mudane Nuunoow, C/qaadir Qanjeey, Xuseen Abanur Abati, Xasan Jabuuti, Fu’aad Osman, SSPA-media iyo qaar kale oo fara badan.
Waxaa sidoo kale dalka Holland soo gaari doona Madaxda ururka Somaliweek UK Diaspora, oo sanadkaan si rasmi ah loogu marti qaaday ka soo qeyb galka koobka HIRDA AFT 2011.
Koobka waxaa la dheeli doonaa 24/ 25/ 26 December 2011, iyadoo lagu qaban doono sida sanad waliba loogu bartay Garoonka dadan ee Sporthallen, Zuid Amsterdam.
Kooxaha Ayaa isugu aaday sida tan:
Qeybta 1-aad – Qeybta 3-aad.
Vlaardingen vs Eindhoven.
Arnhem vs Oslo.
Zwitzerland. vs Manchester.
Denhaag. vs Groningen.
Veenandal. vs Apeldoorn.
Amsfoort. vs Dordrecht.
Qaybta 2-aad – Qaybta 4-aad.
Reeuwijk. vs Rotterdam.
Nabadda FC. vs Bermingham.
Amsterdam. vs West – London.
Venray. vs Hoorn.
Utrecht. vs Aphen A/D Rijn
Nijmegen vs Purmerend.
Dhanka lake saxaafada waxaa ka soo qayb gali doono ideecadaha, TV-yada isboortiga iyo website wax ka qora Soomaalida, fanaaniin caan ah, iyo Marti sharaf kale oo aad u fara badan kuwaasi oo ka kala socda jaaliyadaha soomaalida ee Yurub, iyadoona sanadkaan uu noqon doono mid taariikh gala.
Inta jeer ee la aqristay :303
No comments yet... Be the first to leave a reply!