Home » Ciyaaraha » Natiijooyinkuu Kulamadii Xalay ee Carling Cup Ingiriiska.

30 Nov 2011:  Naadiga hogaanka u haayop horyaalka Ingiriiska ee Man_City ayaa xalay ku quusisay gurigeed kooxda Arsenal .

Kulnakaa oo ahaaa quarterfinal koobka Carling Cup ayaa xalay ka dhacay garoonka kooxda Arsenal ee Emirate iyadoo marka hore ay u muuqatay in ay awoodbantahay kooxda Arsenal ayaa waxaa awoodaa hor istaagay cayaaryahan Segio Aguero oo gool soo daahay ka dhaliyaya daqiiqadii 84-aad

Gunnerska ayaa isku dayeen inay soo gudaan goolka balse uma suurta galintaa

Sidookale waxaa xalay ku quustay goroonkooda Stamford Bridge kooxda Chelsea kadib markii kooxda Liverpool ay 2-0 uga adkaatay

Labada gool ayaa yimid qeybtii danbe ee ciyaarta, iyadoo ay kala dhaliyeen Martin Kelly iyo Maxi Rodriguez waxaana caawiye ahaa labada goolba Craig Bellamy.

Ciyaaryahan Andy Carroll oo dhameystay 90ka daqiiqo ee ciyaarta ayaa qeybtii hore daqiiqadii 20aad ee ciyaarta waxaa laga badbaadiyay rigoore, ka dib markii Alex uu kubad gacanta ku taabtay, waxaana rigooradaasi ka tufay goolhaye Ross Turnbull.

Natiijadan ayaa waxa ay ka dhigeysaa in markii labaad 10 maalmood gudahood ay kooxda Kenney Dalglish ay garoonka Chelsea ku garaacaan, taasoo sii kordhineysa cadaadiska tababare Andre Villas-Boas.

Liverpool ayaa haatan xaqiijisatay hal kulan oo ay ugu safrayaan Wembley bilowga 2012ka

Dhanka kale Cardiff ayaa ku barbaratay kooxda Blackburn Rovers ayadoo uga badisay labo gool iyo waxba

Kooxaha Manchester United iyo Crysta Palace ayaa iyaguna caawa ciyaari doona !

Inta jeer ee la aqristay :202

No comments yet... Be the first to leave a reply!