30 Nov 2011: Kooxda Antonio Conte ayaa xalay barbaro 3-3 ah kulagashay garoonkooda San Paolo Stadiom kooxda Napoli
Kulankaa oo ahaa kulan aad u xiiso badan ayaa goolasha looga hormaray kooxda Juventus ayadoo ay kooxda Napoli ay qeybtii hore ee cayaarta ay 2-0 ku hogaamineysay.
Labada goolal ayaa kala dhaliyay labada cayaaryahan eek ala ah Marek Hamsik iyo Goran Pandev, iyadoo cayaaryahan Hamsik uu rigoore ka qasaariyay kooxdiisa daqiiqadii 14aad ee ciyaarta.
Qeybtii danbe ee cayaarta ayaa waxaa gool u bilaabay kooxda Juventus cayaaryahan Alessandro Matri kana dhigay ciyaarta 2-1 balse Pandev ayaa marwada duqda ah ku sii fogeeyay cayaarta oo waxa uu ka dhigay 3-laakiin waxa daqiiqadii 72 iyo 80-aad gool ukala dhaliyay Juventus Marcelo Estigarribia iyo Simone Pepe.
guud ahaa ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-3 sidaane waxaa wali hogaanka u haayo Serie A Juventus oo ku horkeceysa 26 dhibcood waxaana ku soo xigta kooxda Ac Milan oo iyaduna leh 24
Inta jeer ee la aqristay :250
No comments yet... Be the first to leave a reply!