Home » Ciyaaraha » Xulka Qaranka Somalia oo gaaray Wadanka Tanzania & Kulamo adag oo sugaya.

Nov 24, 2011:  Ciyaartoyda kubbadda cagta Soomaaliya ayaa maanta gaartay magaalada Dares Salaam ee dalka Tanzania, halkaasi oo ay kaga qeybgalayaan tartanka kooxaha Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA).

Soomaaliya ayaa 25-ka bishan ciyaarta furitaanka ee tartanka ka hor tageysa xulka Burundi, waxaana qeybta B ay ku wada jiraan Uganda, Burundi iyo Zanzibar.

Qaar ka mid ah ciyaartoyda oo la hadlay warbaahinta ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ay natiijo wanaagsan ka gaaraan tartanka.

Ciyaartoyda Soomaaliya oo laba kulan oo is arag guri ka guri ah la yeeshay dalka Ethiopia dhowaan, ayaa ku guuldarreystay inay u soo gudbaan is aragga qeybaha ee isreeb-reebka koobka adduunka ee 2014-ka lagu qabanayo Brazil.

Lugtii hore ee is aragga oo Jabuuti ka dhacday ayaa waxaa ay labada xul ku kala bexeen barbarro gool la’aan ah, iyadoo Soomaaliya ay ku gacan sarreysay, lugtii labaadse Ethiopia ayaa gurigeeda 5-0 kaga badisay Soomaaliya.

Tartanka CECAFA oo markii toddobaad ay marti gelineysa dalka Tanzania oo sanadkii horena marti gelisay ayaa waxaa marti ku ah xulalka Malawi iyo Namibia oo ka baxsan wadamada ku yaalla Bariga iyo Bartamaha Afrika, iyadoo Eritrea ay tartanka uga baaqsatay sababo aan la shaacinin.

Inta jeer ee la aqristay :246

No comments yet... Be the first to leave a reply!