Home » Ciyaaraha, News » Xulka Somalia oo Guul daro xanuun badan kala kulmay Xulka Ethopia. “Warbixin”

Nov 16, 2011: Ciyaar si weyn loo-wada sugaayay ayaa waxay galabta ka dhacday magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo ay iskaga hor-yimaadeen Xulalka Soomaaliya iyo Itoobiya, oo ciyaar adag wada ciyaaray.

Ciyaartaan ayaa waxay ku soo idlaatay natiijo aan marnaba la-filleen, laakiin waxay ahayd mid qaddaran oo xanuunkeeda leh, waxayna guushu si fudud ku raacday Ciyaartoyda Xulka Qaranka ee Itoobiya.

Madasha ay ciyaartu ka dhaceysay ayaa waxaa soo buux-dhaafshay taageerayaal xoogan, oo kala taageeraaya labada dhinac, waxaase aad iyo aad uu dareenkeedu u sareeyay taageerasha Xulka Qaranka ee Soomaaliyeed.

Soomaalida ku dhaqan magaaladda Addis Ababa iyo deegaanada kale ee dalka Itoobiya, ayaa waxay maanta si weyn ay u taageereen Ciiyaartoyda Qaranka Soomaaliyeed, hase ahaatee waa loo-awood sheegtay.

Inta badan kubada ayaa waxaa iska maamulaneysay Ciyaartoyda Qaranka Itoobiya, waxayna awood iyo kubad wanaagba ay kala dul dhaceen Ciyaartoyda Qaranka Soomaaliya, wuxuuna ruux walba oo ciyaarta daawanaayay uu qiyaasi karaayay, in guushu ay u badan tahay dhinaca Itoobiya.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay gool iyo waxba, oo ay Itoobiya hogaanka u qabatay, waxaana goolkaasi daqiiqadiid 5-aad u saxiixay ciyaaryahanka Okwur, laakiin waxaa markaasi rajo laga qabay in Ciyaartoyda Qaranka Soomaaliyeed ay la’imaan doonaan barbardhac, oo haddii ayba barbar-dhac ku soo idlaan laheyd, ay sidaasi ku soo bixi laheyd Qaranka Soomaaliya.

Hase yeeshee sidaasi oo ay Soomaalidu dooneysay maysan noqon, oo markii dib loogu soo laabtay garoonka, ayaa waxaa qeybtii labaad Itoobiya goolkii labaad u dhaliyay daqiiqadii 62-aad ciyaaryahanka Bekele, isla seddex daqiiqo gudahood ayaa waxaa Itoobiya u suurta gashay inay dhaliso goolkii seddexaad, waxaana daqiiqadii 65-aad markale u dhaliyay Bekele.

Ciyaarta oo gaba-gaba ku sii siqeysa, ayaa waxay Itoobiya nasiib u yeelatay goolkii afaraad, waxaana u xaqiijiyay weeraryahanka Kebede, oo isagu markaasi ciyaarta ku soo gallay badel, hase ahaatee wuxuu daqiiqadood 90-aad uu markale Kebede fursad u hellay goolkii shanaad oo ay guushu ku gaaracday Ciyaartoyda Qaranka Itoobiya.

Inkastoo guushu ay raacday dhinaca Itoobiya, ayaa waxaa la-sheegay in Ciyaartoyda Somaliyeed ay la-qabsan kari waayeen hawada magaaladda, isla-markaana uma aysan baran inay ku ciyaaraan hawada dalka Itoobiya, bacdamaa uu dalka Itoobiya yahay mid qaboob.

Xulka Sports

Xaqiiqda.com

Inta jeer ee la aqristay :289

No comments yet... Be the first to leave a reply!