November 15, 2011: Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya lagu soo gaba gabeeyay Tartan ciyaareed Kubada Koleyga Kaasi oo ay ka qeyb qaadanayeen Muddooyinkaanba Kooxo gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliya, iyadoona tartankaan ay soo qaban qaabiyeen Ururka Bad-baadada Isboortiga Soomaaliyeed Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho.
Tartankaan oo ka socday Garoonka Degmada Xamar jajab ee Gobolka Banadir, ayaa waxa uu ahaa kii ugu xiisaha badnaa tan iyo intii ay istaageen tartamadii kala gedisnaa ee gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliya, iyadoona ay usoo daawasho tageen boqolaal ka tirsan taageerayaasha Ciyaaraha Kubada Koleyga.
Ciyaaraha Kubada Koleyga oo ay ku tartamayeen Kooxaha Kubada Koleyga Soomaaliyeed waxaa bar bar socday Ciyaaro kala gedisan oo kubada Cagta, Fustalka, kaasi oo ay ka qeyb qaadanayeen Ciyaartoy da’yar oo loogu tala galay in laga soo weeciyo dhaqamada xun isla markaana lagu baraarujiyo nabada iyo is-dhax galka.
Garoonka Degmada Xamar jajab ayaa waxaa soo buux dhaafiyay mas,uuliyiin kala gedisan oo isugu jiray Maamulka Hoose ee Dowlada KMG, Xubno ka socday Ururada Bulshada Soomaaliyeed, Shaqsiyaad Magac ku leh Isboortiga Soomaaliya, iyo Marti sharaf kale.
Kooxaha gabdhaha Kubada Koleyga Muqdisho Vs Horseed ayaa ciyaartii finalka aheyd ku kala baxay iyadoona wac daro xiiso badan halkaasi ka dhigay.

Mas,uuliyiintii usoo daawasho tagay Gaba gabada tartan ciyaareedka kala gedisnaa oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Bad-baadada isboortiga soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ahaa, Guddoomiyihii hore ee Guddiga Olompikada Soomaaliyeed C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow, Guddoomiyaha Ururka Bad-baada, Cabdalla Quuq,
Gudoomiyaha Ururka haweenka Qaranka Soomaliyeed Marwo Caasha Cumar Geesdiir, Xubno ka socda Hey’ada Xuquuqda Aadanaha ee INXA, Rugcadaaga Isboorti Xaaji Yuusuf, iyo Marti sharafkale oo ay ka mid ahaayeen Ciyaartoy Hore Mas,uuliyiin ka socotay Degmooyinka Xamar Jajab iyo Xamarweyne.

Gudoomiyaha Ururka haweenka Qaranka Soomaliyeed Marwo Caasha Cumar Geesdiir oo bixisay mid ka mid ah Koobabkii loogu tala galay tartan Ciyaareedka gabdhaha Kubada Koleyga, ayaa waxa ay halkaasi ka sheegtay in loo baahan yahay sidii loogu qeyb qaaadan lahaa hormarinta haweenka Soomaaliyeed, iyadoona wax lagu farxo ku tilmaamtay in tartan nuucaan oo kale ah la qabto.
Guddoomiyihii hore ee G.O.S C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow ayaa Amaan u jeediyay Ururka Badbaada Isboortiga oo soo qaban qaabiyay tartamo kala gedisan oo ay ka qeyb qaadanayeen kooxo ku kala tartamaayay Kubada Koleyga, Kubabada Cagta, iyo Fustalka.
Abkow waxa uu soo dhaweeyay dadaalada ay Muqdisho ka wadaan Ururka Badbaadada, asigoona ku baaqay in gacan laga geystoo sidii loo soo noleyn lahaa kooxihii kala gedisanaa ee bari-samaadka, isla markaana horey loo sii wadi lahaa Tartamada Nuucan oo kale ah.

Ugu danbeytii Guddoomiyaha Ururka Badbaada Isboortiga, Ciyaaryahankii hore ee Xulka Qaranka Kubada Cagta C/lla Quuq oo halkaasi ka hadlay ayaa mahad gaar ah u celiyay, dhamaan shaqsiyaadkii gacanta weyn ka geystay habsami u socodka tartamadii kala gedisnaa oo uu ururka soo qaban qaabiyay, asigoona sheegay in ay dhawaan rajeenayaan in ay qabtaan tartamo kale oo hor leh kuwaa oo ay ka qeyb galayaan kooxo ku ciyaari doona Magacyada Naadigii hore ee dalka soo maray.
Bahweynta Isboortiga Qeybahooda kala gedisan ayaa si weyn usoo dhaweeyay Tartamada Kala gedisan ee uu Ururka Badbaada isboortiga soomaaliyed ku qabtay Magaalada Muqdisho, iyadoona Tartankii gabdhaha Kubada Koleyga oo ahaa mid si weyn usoo jiitay Shacabka reer Muqdisho oo in muddo ah aan daawan Ciyaaraha gabdhaha Kubada Koleyga.

Salah Hassan Omer :”Salah Dheere”.
Email. s.dheere@hotmail.com
Inta jeer ee la aqristay :460
No comments yet... Be the first to leave a reply!