Nov 14, 2011: Gudoomiyaha kooxda Inter Massimo Moratti ayaa sheegay inuusan ka laba labeyn doonin in ay dib usoo ceshadaan weeraryahankoodii hore Mario Balotelli oo hada ka tirsan kooxda Manchester City.
Moratti ayaa u ogolaatay Balotelli inuu ku biiro kooxda City xagaagi 2010 markaasi oo ay Inter ku iibisay lacag dhan €28m.
“Dib ayaan usoo ceshan lahaa Balotelli berri hadii aan awoodi lahaa, maxaan u dhaha maya waao waa mid ka mid ah xidigaha ugu wanaagsan caalamka,” ayuu yiri Moratti.
Waxa kale oo uu sheegay maalqabeynkaan Talyaaniga ah inuu xushmad badan u hayo wiilkaan 21 jirka ah ee goolkiisi ugu horeeyey Jimcihi u dhaliyey xulka Talyaaniga.
Laakin waxa uu ku adkeystay inuusan ka shalaayen iibinti uu iibiyey Balo, waxa uu amaan u jeediyey macalinka Man City Mancini oo aad ugu dadaalay Balotelli.
Balotelli ayaa Inter ku biiray sanadki 2007 isaga oo markaasi ka yimid kooxda Beneamata.
Tababaraha Inter Claudio Ranieri ayaa isna maanta sheegay inuu soo dhaweyn lahaa Balotelli hadii uu kooxda dib ugu soo laaban lahaa.
Inta jeer ee la aqristay :115
No comments yet... Be the first to leave a reply!