Nov 14, 2011: Kabtankii hore ee kooxda Arsenal Cesc Fabregas ayaa aaminsan in aysan kooxda Arsenal aysan awoodin in ay lumiso weeraryahankooda Robin Van Persie kaasoo hakiyay wada xaajoodkii heshiiska uu ugu cusbooneysiin lahaa kooxda Gunners.
Robin Van Persie ayaa dhaliyay 29 gool 28 kulan oo Premier League ah oo uu saftay sannadkan 2011 waxaana heshiiskiisa haatan uu dhacayaa bisha June 2013ka.
Ka dib markii ay horay u dhumiyeen labada cayaaryahan eek ala ah Fabregas iyo Nasri xagaagii, Arsene Wenger waxa uu awoodiisa isagu geynayaa inuu ceshto kabtankiisa cusub, lakiin ciyaaryahanka reer Spain ayaan hubin in macalinkiisa hore uu taas ku guuleysan karo.
“Ma aqaan hadii ay ceshan karaan” ayuu yiri Fabregas.
“Waan arki doonaa waxa uu go’aansado, lakiin sannado badan daacad ayuu u ahaa Arsenal. Waa ciyaaryahan fure u ah Gunners taageerayaashana waa ay jecel yihiin. Aniga ahaan waa ninka ay tusaale ka qaataan ciyaaryoyda Arsenal, waa xiddigooda mana awoodaan inay lumiyaan isaga”
“Waa go’aankiisa. Da’daan uu jiro hadii uu doonayo inuu baxo waa fursadiisii ugu danbeysay, hadii uu doonayo inuu joogana waxa uu ku dhameysan doonaa ciyaarihiisa Arsenal”
Sidoo kale cayaaryahan Robin Van Persie ayaa qaab ciyaareedkiisa aad u wanaagsanyahay waxa uuna kudaray inuu markaan uu dhaawac iska ilaalin dono taas oo marwaliba caqabad ku ahaan jirtay 28 jirkaan .
“waxa uu heestaa xili ciyaareed aad u fiican waxaana u rajeynaa inuu taam noqdo xili ciyaareedkan oo dhan ayuu yiri Fabregas.
“Balse nasiib daro markii aan halkaas joogay kuma uusan raaxeysan hal xili ciyaareed taasne waxa ay kamid tahay waxyaabah aan ka shalaayo “
Waxaan u rajeynayaa in uu sidan uu haatan yahay uu ku socdo ma imaan karaa Barcelona? Meel kasto wuu laqabsan karaa waxaan ahay taageero Arsenal waxaana doonayaa inuu joogo
Gunners.
—————————————————————————————————————-
Yusuf Noor Mohamed
yuunoor@yahoo.com
Nairobi_Kenya
Inta jeer ee la aqristay :179
No comments yet... Be the first to leave a reply!