Home » Ciyaaraha, News » Xulka Somalia oo ciyaar adag la ciyaari doono Xulka Itoobiya maanta. “Warbixin”

Nov 12, 2011:  Xulka Qaranka wadanka Soomaaliya ayaa maanta waxey la ciyaarayaan ciyaartoyda xulka qaranka Wadan Itoobiya, iyadoona ciyaartaan ay ka dhici doonto magaalada jabuuti ee xarunta wadanka Jabuuti,  waxeyna ciyaartaan ka dhigantahay in Soomaaliya garoonkeeda lagu ciyaarayo magaalad haatan dalka uu san amaan ahayn oo aysan imaan Karin ciyaartoy ajaanib ah.

Ciyaartaan ayaa waxeyna ka tirsantahay isreebreebka ciyaaraha koobka aduunka waxaana ciyaar aad u xiiso badan waxaana ciyaartoy walba ay doonayaan in ay dalkooda kula laabtaan iyaga oo guul wata.

Ciyaartaan ayaa waxey soo gali doontaa xiliga saacada Soomaaliya ay tahay 4:00 Galabnimo waxeyna markaasi sitoos ah kaga bilaaban doontaa garoonka kuyaala magaalada Jabuuti.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka wadanka Soomaaliya ayaa waxey ku dadaalayaan sidii ay kaga guulan lahaayeen ciyaarta adag oo ay la kulmayaan xulka qaranka Itoobiya.

Ciyaartoyda xulkeena Soomaaliya ayaa in mudo ah waxey ku jireen diyaar garow ku aadan ciyaartaan waxaana masuuliyiinta ciyaaraha Soomaaliya ay ciyaartaan ka muujinayeen niyad wanaagsan.

Hadii aanahay warbaahinta XAQIIQDA.COM waxaana u balan qaaadaynaa asxaabteena in aan usoo tabin doono natiijada ciyaartaas oo ah mid aad u xiiso badan Insha alaah.

Inta jeer ee la aqristay :161

No comments yet... Be the first to leave a reply!