Nov 12, 2011: Kulankii maanta la sugayay in uu dhex maro Xulalka Somalia iyo jabuuti ayaa maanta ka dhacay Wadanka Jabuuti halkaas oo Somalia u ah Guriga home ee ku ciyaarto waxeeyna ciyaar culus kala hortagtay wadanka Itoobiya oo somalia ay ka dhaxeeyso xifaaltan adag.
Ciyaartii maanta oo aheyd mid ay wada fiirsanayeen malaayiin soomaali ah ayaa laga sii dayay Tv-ga Qaranka Jabuuti kaas oo ay sii xiganayeen Tv-yo kale sida Universal Tv iyo kuwo kale oo aad u fara badan.
CIyaartii maanta ayaa aheyd mid xiiso leh oo Xulalka Somalia iyo Itoobiya ay ku soo bandhigeeyn halkaasi ciyaar aad u adag waxeeyna ciyaarta ku soo gaba gaboowday 0 iyo 0 oo lagu kala baxay lugtii hore ee ciyaarta waxeeyna Somalia u safri doontaa Magaalada Addis Ababa oo ay ku soo ciyaari doonto lugta labaad Maalinta Arbacada soo socota.
Xulka Somalia ayaa maanta waxuu soo bandhigayciyaar aad u heer sareeysay laakiin soomaaliya waxeey iska qasaariyen fursado culus oo ay goolala ku dhalin kareeyn laakin meysan dhicin taasi.
Xulka Itoobiya asagana waxuu soo bandhigay ciayar aad u heer sareeysay laakiin waxaa calaamada casaanka ah ama gaduudka ka qaatay laacib ka tirsan xulkaasi oo laga saaray qeybtii dambe ciyaarta waxeeyna ayagoo 10 ciyaariyahan kula dagaalameeyn kubada xulka Somalia.
Isku soo wada duub Somalia waxeey gurigeeda ku difaacatay in gool looga dhaliyo ama looga badiyo balse hada waxaa sugaya Socdaal ay ku tageeyso Wadanka Itoobiya oo ay lugta kale kula soo ciyaareeyso Xulka Itoobiya Magaalada Addis Ababa oo ah Caasimada Wadanka Itoobiya.
WARBIXIN QEYBTII HORE EE CIYAARTA AAN KA QORNAY HALKAAN KA AQRI
Cheif of Editor Xaqiiqda.com
Qore Abdifatah Lajecloow
Oslo Norway
FIKIRKAADA KU AADAN NATIIJADAAN KU DHIIBO COMMENTIGA HOOSE:
No comments yet... Be the first to leave a reply!