Home » Ciyaaraha, News » Kooxda Gothenburg oo ku guuleysatay koobkii Muriidi Zein ee EuroSom 2011 “Sawiro”

July 30, 2011. Kooxaha Kanava Finland iyo gothenburg Sweden oo isugu soo baxay cayaartii kama dambeysta ayaa shalay ku hardamay garoonka  kubada  cagta oo mudooyinkan uu ka socday  cayaaraha xagaaga EuroSom, waxaana cayaartaasi ay aheyd mid aad u xiiso badan  ayna ka soo qeybgaleen daawashadeeda madax ka socotay dowlada Finland,  Madax Isboorti, shaqsiyaad magac ku leh bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda iyo  dadweyne aad u fara badan.

kaalimaha kooxaha ayaa waxaa loo kala abaalmariyey sidan:

GOTHENBURG: Sweden kaalinta koowaad   waxaa la siiyey kooba qurux badan bilado iyo abaalmarin  lacageed.
KANAVA: finland  kaalinta labaad waxaa la siiyey koob, bilado iyo abaalmarin lacageed
SUKAO: Norway  kaalinta sedexaad   waxaa la siiyey koob, bilado iyo abaalmarin lacageed.
Waxaa sidoo kale la bixiyey abaal marino qaali ah oo la kala siiyey, cayaaryahankii ugu wanaagsanaa, goolhayihii ugu wanaagsanaa, tabarihii ugu wanaagsanaa  kooxdii ugu wanaagsaneyd

Cayaaryahankii ugu wanaagsanaa  waxa uu noqday  Haashim shariif  oo kooxda Kanava  u cayaara.
Tabarihii ugu wanaagsanaa waxa uu noqday  Cumar gureey oo leyliya kooxda Gothenburg.
Goolhayihii ugu wanaagsanaa waxa uu noqday  jaamac  oo ah goolahayaha Gothenburg.
Kooxda ugu wanaagsan dhankasta waxa ay noqtay W.Qaraabo Denmarkk.
Gooldhaliyaha ugu badan  Johnathon oo kooxda Kanava Nomberka 9-aad uga cayaara.

Sidoo kale waxaa goobta xaflada  lagu biyey abaalmarino kale  oo la siiyey  kooxihii kaalimaha hore galay  tartankii kubada koleyga  waxaana abaalmarinadaasi bixiyey  gudoomiye xigeenka  xiriirka kubada koleyga  C/casiis Goodax  iyo macalinkii hore ee qaranka kubada koleyga  Shiine Gohaad.

Farxad gaar ah  ayey ii tahay 13sano ka dib  in aan ka soo qeybgalo cayaaraha EuroSom waxaana aanan ilaawi doonin nidaamka iyo jawiga wnaagsan ay ku soo dhamaatay tartanka sidaasi daraadeed waxaan qeyb ka noqon doonaa howlaha baaxada leh oo aad umada soomaaliyeed u heysaan sidaasi waxaa yiri Macalin Shiine Gohaad.

Gabagabadii xaflada waxaa heeso aad u macan  soo bandhigay fanaanka reer Gothenburg Dalmar oo halkaasi ka qaaday heeso jaceyl ah,  iyada oo xalfadii xalay  oo aheyd mid si weyn loo soo abaabulay  ay ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan.


























C/raxmaan xudeyfi
Email: xudeyfi4@hotmail.com
Helisink -Finland

Inta jeer ee la aqristay :1066

No comments yet... Be the first to leave a reply!